Nugaal: 7 Qof oo Lagu Dilay Duqeyn

|

Wararka laga helayo xeebaha gobolka Nugaal ayaa sheegaya in duqeyn ay ka dhacday deegaanka Argeegto, oo u dhexeeya Jiifle iyo Dhinowda-Dhigdhig, iyadoo wararka hordhaca ah ay tilmaamayaan in ilaa 7 qof ay ku dhinteen.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xeebaha Puntland ay ka taagan tahay xaalad xasaasi ah oo la xiriirta afduubka markabka M/V LUTUF, oo ay koox hubeysan kula wareegtay xeebaha Soomaaliya.

Sida wararka deegaanka laga helayo, duqeynta ayaa lala beegsaday doon yar oo ay saarnaayeen rag hubeysan, kuwaas oo la sheegay inay ku sii jeedeen goobta uu markabka LUTUF ku sugnaa.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in kooxdaasi ay ka koobnayd ku dhowaad 10 nin, waxaana duqeynta ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Markabka M/V LUTUF ayaa 17-kii Agoosto lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya, iyadoo warbixinno kala duwan ay sheegeen in siddeed nin oo hubeysan ay la wareegeen.

Markabka ayaa ku gooshayay calanka Cameroon, waxaana warbixinno ay soo xigteen ilo Soomaali ah iyo warbaahin caalami ah ay sheegeen inuu siday hub iyo qalab isgaarsiineed oo loogu waday xarun tababar oo Turkigu ku leeyahay Muqdisho.

Markabka waxaa saarnaa 10 shaqaale ah oo isugu jiray lix Hindi ah, hal Turki ah, hal Joorjiyaan ah iyo laba ilaalo oo Serbian ah, sida ay sheegeen warbixinno la xiriira dhacdada.

Dhacdada Argeegto ayaa kusoo beegmaysa kaddib duqeyn hore oo ka dhacday deegaanka Garmaal ee gobolka Nugaal.

Waxaa jiray warar is khilaafsan oo ku saabsan dadka ku dhintay duqeyntaasi. Qaar ka mid ah wararka ayaa ku tilmaamay rag looga shakiyay inay xiriir la lahaayeen kooxdii afduubatay LUTUF, halka dadka deegaanka iyo qoysaska qaar ay sheegeen in dadkaasi ay ahaayeen kalluumeysato.

DHEERAAD:  Duufaano horleh oo ku dhuftay gobolo katirsan Mareykanka

Arrintaas ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan cidda si sax ah loo bartilmaameedsaday iyo sida loo xaqiijiyay xogta ku saabsan dadka lagu weeraray.

Xaaladda ayaa sidoo kale noqotay mid xasaasi ah kaddib markii la sheegay in dhinaca Turkiga uu si dhow ula socdo markabka LUTUF.

Warbixinno hore ayaa sheegay in maraakiib Turki ah ay ku dhowaadeen goobta uu markabku ku sugnaa, halka diyaarado aan duuliye lahayn iyo helikobtarro Turki ah lagu soo warramay inay sameeyeen kormeer hawada ah.

Hase yeeshee, dowladda Turkiga weli si rasmi ah uma aysan xaqiijin faahfaahinta duqeymaha, waxaana weli jira su’aalo ku saabsan cidda fulisay weerarrada cirka iyo waxa saxda ah ee ay bartilmaameedsadeen.

Soo noqoshada burcad-badeednimada ayaa walaac cusub ku abuurtay xeebaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweyne Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka hadlay dib-u-soo-kabashada burcad-badeednimada, isagoo sheegay in kooxaha burcad-badeedda ay dhaawacayaan sumcadda iyo amniga Puntland.

Warbixinno kale ayaa sheegaya in sanadkan ay kordheen dhacdooyinka la xiriira afduubka maraakiibta, iyadoo dhowr markab lagu qafaashay biyaha Soomaaliya iyo meelaha ku dhow Gacanka Cadmeed.

Dadka ku nool deegaannada xeebaha ayaa iyaguna wajahaya walaac sii kordhaya.

Dhanka kale, xiisadda la xiriirta LUTUF ayaa weli ah mid xasaasi ah, iyadoo indhaha lagu hayo xeebaha Nugaal iyo tallaabada xigta ee ay qaadaan dhinacyada ku lugta leh.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News