Puntland oo faahfaahin ka bixisay ciidamo lagu qabtay Gaalkacyo

|

Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ciidamo iyo laba gaari oo nooca ciidamada lagu qaado ah oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo la sheegay inay u socdeen mid ka mid ah xeryaha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku yaalla deegaannada Galmudug.

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa sheegay in ciidamada la qabtay ay gaarayeen 134 askari, kuwaas oo uu sheegay in shan ka mid ah ay ka soo jeedaan deegaannada Puntland, halka inta kale ay ka soo jeedaan deegaanno ka tirsan Galmudug.

“Saaka salaaddii Subax waxaa Gaalkacyo lagu qabtay ciidan loo soo diray burburinta Puntland, kuwaas oo hadda ku xiran saldhigga Gaalkacyo, waxaana reer Puntland ka ah shan qof oo kaliya,” ayuu yiri Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Dhanka kale, Taliyaha Qaybta Booliska Puntland ee Gobolka Mudug, Gaashaanle Sare Maxamuud Muuse Bile, ayaa xaqiijiyey in ciidanka iyo labada gaari lagu qabtay Gaalkacyo, isagoo sheegay in baaritaan lagu sameynayo.

“Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ayaa saaka gacanta ku dhigay laba gaari oo ah nooca loo yaqaan B.G iyo ciidankii saarnaa baabuurtaas oo dhan 130 askari iyo saraakiil isugu jirta,” ayuu yiri taliyuhu.

Sida uu sheegay taliyaha, gaadiidka ayaa la sheegay inay leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana lagu qabtay iyagoo soo galay xuduudda iyo soohdinta Puntland.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacay kulamo u dhexeeyey mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo looga hadlay xaaladda ciidamada iyo gaadiidka lagu qabtay.

DHEERAAD:  Kim Jong Un iyo Vladamir Putin ayaa lagu wadaa in ey kulan kuyeeshan Moscow

Wararka laga helayo kulamada ayaa sheegaya in Puntland ay dhinaca Galmudug u sheegtay inay sii dayn doonto dhalinyarada iyo askarta la qabtay, balse aan la fasixi doonin labada gaari ee ay ciidamada wateen, kuwaas oo lagu sheegay inay leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay weli jiraan khilaafaad siyaasadeed iyo amni oo u dhexeeya Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira ciidamada, maamulka gobollada dhexe iyo awoodda dowladda Federaalka ee deegaannada ay maamulaan dowlad-goboleedyada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News