Puntland oo ku dhawaaqday in ay soo gabagabaysay wejigii koowaad ee howlgalka Mudug

|

Puntland ayaa sheegtay in ay soo gabagabaysay wejigii koowaad howlgalkii Mudug ee ka dhanka ahaa ciidamada federaalka, iyada oo ciidankii ku sugnaa xerada Istanbul ee xaafadda Garsoor ay aqbaleen in ay ka mid noqdaan Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu yiri “Ciidanka Difaaca Puntland ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay wejigii koowaad ee hawlgalka amni ee gobolka Mudug, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga, soo celinta kala dambeynta iyo mideynta awoodda amniga ee hoos timaadda hay’adaha dawladda”.

“Maleeshiyaadkii hubaysnaa ee ku sugnaa Gaalkacyo ayaa aqbalay in ay ka mid noqdaan ciidanka difaaca Puntland. Waxaa hadda lagu biirinayaa qaab-dhismeedka rasmiga ah ee ciidanka, waxaana la gelinayaa tababar iyo dib-u-habayn ciidan si loo waafajiyo nidaamka, anshaxa, habraacyada iyo silsiladda taliska” ayaa la raaciyay.

Madaxweyne Deni ayaa la kulmay Ugaaska beesha Leelkase Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed, iyada oo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada beeshaas oo shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo sheegeen in ay ku soo biireen Puntland.

Qodobka ugu muhiimsan waa in la fahmo waxa Puntland uga jeeddo “wejiga koowaad”. Haddii uu yahay hawlgal ciidan oo lagu riixayo ama lagu kala fogeynayo ciidamada Federaalka, dhammaadka wejigan wuxuu noqon karaa diyaar-garow loogu gudbayo wejiga labaad, ama isku day Puntland ku doonayso inay xaqiijiso meelaha ay sheeganayso inay gacanta ku dhigtay.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka waxay u badan tahay inay arrintan u aragto khilaaf siyaasadeed iyo mid amni oo aan lagu xallin karin xoog ciidan. Haddii labada dhinac ay sii wadaan abaabulka ciidamo, waxaa kordhaya khatarta ah in khilaafka siyaasadeed uu isu beddelo iska horimaad ballaaran.

DHEERAAD:  Xildhibaano iyo saraakiil hore oo ciidan ayaa gaaray furimaha horee ee dagaalka

Hadalka Puntland wuxuu u muuqdaa fariin siyaasadeed iyo mid ciidan oo muujinaysa in maamulka Garowe doonayo inuu caddeeyo awooddiisa amni ee Mudug.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News