Qaar ka mid ah isimada dhaqanka Bari oo war ka soo saaray xiisadda Kodmo

|

Isimada dhaqanka beelaha Cali Saleebaan ayaa bayaan ay soo saareen kaga horyimid howlgalka ciidan ay dowladda Puntland ku aaday deegaanka Kodmo oo ka tirsan degmada Baxo-raako.

Puntland investment opportunities

Isimada waxay sheegeen in hubka ay wataan ciidanka halkaas tagay (federaalka sheegtay) uu yahay ganti dad gaar ah leeyahay, islamarkaana aysan jirin hub ka dhigis heshiis lagu yahay oo xilligan ka hirgashay Puntland.

Waxay tilmaameen in awood sheegasho cid gaar ah aysan dhisi karin maamul waara, kursi ummadeedna aan lagu sii joogi karin xoog iyo kala-qaybin bulsho.

“Hub ka dhigis haday jirto waa in heshiis lagu yahay, gacan lagu kalsoonyahay ay gashaa” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

“Waxaan madaxda Puntland u caddeyneynaa in awood sheegasho koox gaar ahi aysan dhisi karin maamul waara, kursi ummadeedna aan lagu sii joogi karin xoog iyo kala-qaybin bulsho” ayaa la raaciyay.

Deegaanka Kodmo ee degmada Baxo-raako waxaa ka taagan xiisad u dhaxaysa Puntland iyo ciidan sheegay federaalka oo maalmo ka hor ka guuray degmada Carmo, iyada oo ay jirto waan-waan laga dhexwado labada dhinac.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News