Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya ay sii xumaan karto, iyadoo dhaqaale yari ba’an ay saameysay qorshaha gargaarka sannadka 2026, malaayiin qofna aysan weli helin kaalmooyinka ay u baahan yihiin.
Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Stéphane Dujarric, ayaa sheegay in dhaqaalaha loo ururiyey qorshaha gargaarka bani’aadannimo ee Soomaaliya uusan dhaafin 36 boqolkiiba lacagtii loo baahnaa.
Dujarric oo Arbacadii shir jaraa’id ku qabtay magaalada New York ayaa sheegay in qorshaha gargaarka Soomaaliya ee sannadkan uu u baahan yahay 852 milyan oo dollar, balse ilaa hadda ay hay’adaha samafalku heleen 306 milyan oo dollar oo keliya.
Wuxuu sheegay in dhaqaale la’aanta iyo caqabadaha hortaagan gaarsiinta gargaarka ay sababeen in Qaramada Midoobay iyo hay’adaha ay wada shaqeeyaan ay dhimaan howlihii gurmadka ee ay ka wadeen gudaha Soomaaliya.
Sida uu sheegay afhayeenka Qaramada Midoobay, in ka badan 1.4 milyan oo qof ayaan weli helin gargaarkii loogu talagalay, halka qorshaha guud ee gargaarka uu ahaa in la caawiyo in ka badan 2.4 milyan oo qof.
Wuxuu intaas ku daray in muddadii u dhexeysay Janaayo iyo Oktoobar 2026, hay’adaha samafalku ay gargaar gaarsiiyeen ku dhowaad 920 kun oo qof.
Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya ay wajaheyso xaalad bani’aadannimo oo ay sabab u yihiin abaaro, roobabkii oo yaraaday, isbeddelka cimilada, colaadaha hubeysan iyo barakac baahsan.
Yaraanta roobabka ayaa saameyn ku yeelatay nolosha qoysas badan, gaar ahaan dadka ku nool miyiga oo noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha iyo beeraha. Waxaa sidoo kale kordhay walaaca laga qabo cunto yarida iyo baahiyaha aasaasiga ah ee dadka nugul.
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku-duwidda arrimaha bani’aadannimada (OCHA) ayaa ka digay in malaayiin qof oo Soomaaliyeed ay halis ugu jiraan inay waayaan gargaarka ay noloshoodu ku tiirsan tahay, haddii aan si degdeg ah loo helin dhaqaale dheeraad ah.
Dadka ugu badan ee ay saameyn karto dhaqaale yaraanta ayaa waxaa ka mid ah barakacayaasha, qoysaska ay abaaruhu saameeyeen iyo dadka aan haysan cunto iyo adeegyada aasaasiga ah.
Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la kordhiyo taageerada dhaqaale ee loogu talagalay Soomaaliya, si loo sii wado howlaha samafalka loogana hortago in xaaladda bani’aadannimo ay gaarto heer ka sii daran.

