Taliyaha ciidamada Itoobiya ee AUSSOM oo kormeeray fariisimaha ciidamadiisa ee Soomaaliya

|

Sarreeye Guuto Hashim Mohammed, oo ah taliyaha Qaybta Saddexaad ee ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa kormeer ku tegay fariisimaha ciidamada Itoobiya ee ku kala sugan gobollo dhowr ah oo dalka ka tirsan.

Kormeerka ayaa lagu tagay fariisimaha ciidamada Itoobiya ee ku yaalla Baardheere, Xudur, Garbahaarey, Baydhabo, Berdaale, Qansaxdheere iyo Diinsoor.

Intii uu kormeerku socday, taliyaha iyo saraakiil la socotay ayaa qiimeeyay heerka diyaargarowga ciidamada, awoodda ay u leeyihiin fulinta howlgalada iyo xaaladda amni ee deegaannada ay ku sugan yihiin.

Hashim Mohammed ayaa ciidamada kula dardaarmay inay sare u qaadaan feejignaantooda, isla markaana diyaar u ahaadaan khataraha amni ee ka imaan kara xaaladaha isbeddelaya, gaar ahaan dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab.

Wuxuu sidoo kale ku boorriyay inay ilaaliyaan anshaxa iyo sumcadda howlgalka Midowga Afrika, ayna waajibaadkooda u gutaan si xirfad leh.

Dhankiisa, Korneyl Wondwossen Hussein, oo ah madaxa tababarka iyo isku-duwaha shaqaalaha Qaybta Saddexaad, ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay muujiyeen diyaargarow sare tan iyo markii ay la wareegeen fariisimaha loo xilsaaray, isla markaana ay wada shaqeyn la leeyihiin ciidamada amniga ee deegaanka.

Kormeerkan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada Itoobiya ay weli ku sugan yihiin qaybo ka mid ah gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyagoo qeyb ka ah howlgalka AUSSOM.

Sidoo kale, booqashada ayaa imaanaysa iyadoo magaalada Baydhabo ay ka jireen xiisado u dhexeeya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa daacadda u ah madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

DHEERAAD:  Maxay kawada Hadleen Ra’iisul Wasaare Xamsa & wafdiga ka socday Ingiriiska ee Muqdisho ku kulmay?.

Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa magaalada Baydhabo kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan milatariga Itoobiya, waxaana kulanka looga hadlay xaaladda amni ee magaalada.

Kormeerka iyo kulamada saraakiisha Itoobiya ayaa muujinaya sida ay arrimaha amniga Koonfur Galbeed muhiim ugu yihiin ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News