Qarax bambaano oo xalay lagu weeraray guriga xildhibaan oo ku yaalla Baydhabo

|

BAYDHABO (Kaab TV) – Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhaawacantay qarax bambaano oo xalay lagu weeraray guriga xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya oo ku yaalla magaalada Baydhabo.

Dadka deegaanka ayaa Kaab TV u sheegay in qarax oo jugtiisa cusleyd ayaa lagu weeraray guriga Xildhibaan Cabdullaahi Black oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku yaalla magaalada Baydhabo.

Labo ruux oo ehelka xildhibaanka ayaa la sheegay in ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen weerarka bambaano.

Saraakiisha amaanka ee Baydhabo ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan weerarkan.

Hase yeeshee ilo wareedyo madax bannaan ayaa sheegaya in weerarkan ay geysteen kooxda Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay weeraro ka fulineysay magaalda Baydhabo iyo hareeraheeda.

Toddobaadkii hore bilawgiisii waxay kooxda Shabaab weeraro ka geysteen xaafadaha dhanka bari ee magaalada iyagoo habeenkii soo galay xaafadaha. Waxayna dadka deegaanka sheegeen inay maleeshiyaadka Al-Shabaab dadka ugu khudbeeyeen masaajidada.

Kooxda Shabaab ayaa sidoo kale labo jeer weeraro hoobiye ku qaaday garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo.

Weerarada Shabaab ka geysanayaan magaalada Baydhabo ayaa imaanaya ka dib labo toddobaad oo ay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyaad beeleedyo weerar ku qaadeen Baydhabo, kagana qabsadeen maamulkii Koonfur Galbeed oo uu hogaaminayay Cabdicasiis Laftagareen oo isaga laftiisa u baxsaday dalka deriska ee Kenya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News