Ra’iisul Wasaaraha Xil Gaarsiinta Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in hay’adaha Qaramada Midoobay, deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka howlgala ay u baahan yihiin inay wax ka beddelaan hab-dhaqankooda iyo qaabka ay Soomaaliya ula shaqeeyaan.
Xamse Cabd Barre ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ay weli Soomaaliya ula dhaqmaan sidii dal ku-meelgaar ah oo aan lahayn hay’ado dowladeed oo dhisan, dastuur iyo sharciyo shaqeynaya.
Wuxuu sheegay in dowladda ay diyaarisay qorshe ballaaran oo lagu magacaabo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo uu sheegay in lagu doonayo in Soomaaliya laga gudbiyo nidaamkii hore ee ku-meelgaarka ahaa, loona gudbo dowladnimo iyo hay’ado si buuxda u shaqeeya.
Xamse Cabd Barre ayaa sidoo kale ugu baaqay saaxiibada caalamka iyo hay’adaha Soomaaliya ka howlgala inay la jaanqaadaan isbeddellada dalka ka socda, isaga oo sheegay in aan la sii wadi karin hababkii hore ee shaqada.
Wuxuu tusaale u soo qaatay qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah oo xafiisyadooda ama hawlahooda muhiimka ah ku haysta dalal kale, halka ay Soomaaliya ka howlgalaan.
“Waxaa jira dad noo shaqeeya oo weli doonaya inay Nairobi ka soo maamulaan. Waa dhaqankii ay barteen, laakiin hadda suurtagal ma aha. Waxaan rabnaa inay la qabsadaan Soomaaliya cusub iyo meesha aan u soconno,” ayuu yiri.
Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in isbeddelku uu ka bilaabanayo madaxda iyo shaqaalaha dowladda, isaga oo xusay in masuuliyiinta iyo khubarada dowladda ay waajib ku tahay inay la qabsadaan nidaamka cusub.

