Saameynta Dhaqaale ee Deeqaha Laga Jaray Soomaaliya ku Yeesheen Warbaahinta

|

Hoos u dhaca ama hakadka ku yimid qaar ka mid ah deeqihii iyo mashaariicdii lagu taageeri jiray Soomaaliya ayaa saameyn dhaqaale ku yeeshay warbaahinta dalka, gaar ahaan idaacadaha, TV-yada iyo wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho iyo gobollada Soomaaliya.

Muddooyinkii hore, warbaahin badan ayaa ka qayb qaadan jirtay mashaariicda wacyigelinta bulshada ee ay maalgelin jireen hay’adaha samafalka iyo horumarinta. Mashaariicdaasi waxay warbaahinta siin jireen fursado ay ku soo saaraan barnaamijyo ku saabsan caafimaadka, waxbarashada, nabadda, amniga iyo arrimaha bulshada.

Markii qaar ka mid ah deeqihii iyo mashaariicdii markii ay yaraadeen ama istaageen, waxaa hoos u dhacay shaqooyinkii iyo dakhliga ay warbaahintu ka heli jirtay.

Idaacadaha iyo TV-yada Muqdisho iyo kuwa gobollada dalka ayaa kamid ah meelaha sida weyn u dareemay isbeddelka dhaqaale.

Warbaahin badan ayaa hore u heli jirtay mashaariic ay ku tabiso fariimaha wacyigelinta bulshada, taas oo qayb ka ahayd dakhliga ay ku dabooli jireen kharashaadka iyo mushaharrada shaqaalaha.

Markii mashaariicdaasi yaraadeen, qaar ka mid ah idaacadaha iyo TV-yada ayaa yareeyay barnaamijyadii iyo shaqaalihii, halka warbaahin kale ay la kulantay dhibaato ah inay sii bixiso kharashaadka joogtada ah.

Wariyeyaal, soo-saarayaal, farsamayaqaanno iyo shaqaale kale ayaa wajahaya xaalad dhaqaale oo adag, iyadoo meelaha qaarkood mushaharrada ay dib u dhacaan, halka shaqaale kalena ay shaqada ka tagaan ama shaqooyinkooda waayaan.

Arrintan ayaa muujineysa sida ay dhaqaale ahaan ugu nugul yihiin qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliyeed marka ay yaraadaan mashaariicdii iyo deeqihii ay ku tiirsanaayeen,Siminaarradii, tababarradii iyo kulamadii aqoon-is-weydaarsiga ee wariyeyaasha ayaa sidoo kale yaraaday.

DHEERAAD:  Soomaaliya iyo Shiinaha oo ku heshiiyey in la sii xoojiyo iskaashiga garsoorka.

Wariyeyaashu waxay hore u heli jireen fursado ay kaga qaybgalaan tababbarro ku saabsan xirfadda saxaafadda, badbaadada wariyeyaasha, warbaahinta dijitaalka ah, wacyigelinta bulshada iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Markii mashaariicdii maalgelin jiray tababarradaasi yaraadeen, waxaa yaraaday fursadihii aqoon-kororsiga ee wariyeyaasha, gaar ahaan kuwa ka howlgala gobollada dalka.

Idaacadaha iyo TV-yada ku yaalla gobollada waxay inta badan haystaan ilo dakhli oo kooban, halka xayaysiisyada ganacsiguna aysan mar walba dabooli karin kharashaadka shaqaalaha,Sidaas darteed, marka mashaariicda iyo deeqaha yaraadaan, waxaa adkaan karta in la bixiyo mushaharrada shaqaalaha, kirada, korontada, internet-ka iyo kharashaadka kale.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News