Sacdiya Bajaaj oo xabsiga dhexe ee Muqdisho la geeyay iyadoo loo haysto dhaliisha Xasan Sheekh Maxamuud iyo qoyskiisa

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Savdiya Macalin Cali oo loo yaqaano “Sacdiya Bajaaj” oo ah gabar dhallinyaro ah oo ku shaqeysata taksiga bajaajta ayaa la sheegay in la geeyay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ka dib markii ay habeen ku jirtay xarunta dembi baarista ee Muqdisho.

Sacdiya Bajaaj ayaa iyada oo ku sugan xaafadda Taleex ee magaalada Muqdisho waxaa afduub ku kaxaystay ciidan hubeysan oo ka tirsan kuwa NISA ee sirdoonka Axaddii 12ka Abril.

Ilo dhanka Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Kaab TV u sheegay in ka hor intii aan la geyn xabsiga Sadiya loo soo jaray warqad xabsi ku heyn 90 maalmood ah.

Ma jiro wax eedeyn ah oo illaa hadda la shaaciyay, mana jiro qareen iyada ama qoyskeeda ay u qabteen.

Hase ahaatee ilaha la hadlay Kaab TV ayaa sheegaya in Sacdiya loo eysto dhaliilaha ay u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha qoyskiisa.

Ka hor qabashadaas waxay Sacdiya warbaahinta bulshada ku faafisay muuqaal ay ku sheegeyso in “ciidan booliska ka tirsan ay raadinayaan”.

Waxay kaloo sheegtay in ay ka welwelsan tahay in “kufsi lagula kaco” sida ay sheegtay iyada oo sheegtay in lala damacsan yahay falka weerar galmo si loogu ciqaabo.

Hayadaha amaanka ee Dowladda Federaalka way ka gaabsadeen inay ka hadlaan sababta loo xiray Sacdiya oo si weyn u dhaliisha siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo qoyskiisa.

Muuqaalo dhowr ah oo ku faafisay baraheeda Facebook iyo Tiktok waxay Sacdiya kaga hadli jirtay musuqmaasuqa, eexda iyo ku takrifalka xukunka iyada oo ku eedeysay Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir inay xubnaha qoysaskooda shqaaleysiiyeen, isla markaana dhallinyarada Soomaaliyeed ay shaqo la’aan yihiin.

Sacdiya ayaa bil ka hor lagu xiray Muqdisho ka dib markii iyada iyo dhallinyarada bajaajleyda ee Muqdisho ay dhigeen mudaaharaad cabasho ah oo ay kaga horjeedeen qiimaha shidaalka ee sare u kacay iyo sicirka cuntada, waxayna dalbanayeen in maamulka Gobolka Banaadir uu wax ka qabto.

Xariggan labaad ee Sacadiya Bajaaj ayaa yimid qiyaastii toddobaad ka bacdi markii wasiirka caddaaladda ee Dowladda Federaalka Xasan Macalin uu kulan uu la yeeshay saxafiyiinta Muqdisho qaarkood kaga hadlay inay joojuyaan in la wareysto Sacdiya Bajaaj oo si aad ah u dhaliisha dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, maalinkii shalay ee Arbacada ayuu taliyaha booliska Gobolka Banaadir ku hanjabay in la xiri doono ciddii ka hadasha dhammaadka muddo xileedka Xasan Sheekh iyo bedelidda dastuurka oo illaa haatan muran badan uu ka jiro.

Xalayna, Ciidan ka tirsan nabadsugidda Soomaaliya iyo kuwa booliska oo la sheegay inuu hoggaaminaayey sarkaal lagu magacaabo Cabdi Cali ayaa xalay si xoog ah ku galay hotelka Jazeera oo ka mid ah hotelada ay ku badan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ee Muqdisho halkaas oo ay qafaasheen labo dhallinyaro oo lagu magacaabo: Sharma’arke Maxamuud Axmed iyo Najiib Cali Cosoble kuwaas oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee dhallinyarada magaalada Muqdisho.

Toddobaad ka hor ayaa dhallinyarada Muqdisho, oo ay ku jiraan dhalinyarada xalay la xiray waxay ku baaqeen in shirweyne loo qabto dhallinyarada si looga hadlo dhammaadka muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku eg 15 May 2026.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News