MUQDISHO (KAAB TV) -Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), isla markaana saaxiib dhow la ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo bandhigay qoraallo muujinaya in uu jiro khilaaf siyaasadeed oo kala dhaxeeya hoggaanka sare ee dalka.
Sanbaloolshe, oo xubin ka ah Xisbiga JSP, kana mid ahaa shaqsiyaadkii kasoo muuqday wadahadalladii ay dowladda la yeelatay mucaaradka, kuna jiray safka Dowladda ayaa hadaladiisi hadda ay muujinayaan isbeddel muuqda.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalka aysan ku socon jihadii saxda ahayd, isagoo tilmaamay in haddii aan wax laga beddelin, ay adkaan doonto in dadkii hore u wada shaqeyn jiray ay sii wada socdaan.
“Xaaladda siyaasadeed ee dalka sida lagu wado sax ma ahan, haddii aan wax laga beddelin dad horay iskula socday kuma sii wada socon karaan sidaan,” ayuu yiri Sanbaloolshe.
Sidoo kale, dhowr saacadood kadib qoraalkaas, ayuu mar kale fariin kooban kusoo qoray bartiisa Facebook, taasoo ahayd “Is-adkeynta iyo siyaasad aan ikhtiyaarro lahayn way ku dili karaan” taasoo si weyn u soo jiidatay falanqeeyayaasha siyaasadda.
Falanqeeyayaal ayaa u arka hadalladan kuwo xambaarsan digniin siyaasadeed iyo mid muujinaya kala fogaansho soo kala dhex galay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta hore iyo hoggaanka hadda jira, iyadoo la filayo in arrintan ay saameyn ku yeelato jihada siyaasadeed ee dalka maalmaha soo socda.

