Seychelles oo lagu wadaa in bisha Janaayo ee sanadka 2025 lagu maxkamadeeyo 6 qof oo looga shakisan yahay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah.

|

Seychelles (KAAB TV) -Maxkamadda Sare ee Seychelles ayaa ah u qabatay 6 nin oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin burcad badeed Soomaali ah bartamaha bisha Janaayo ee sanadka 2025-ka.

Shanta nin ee diiday dambiga – waxay ku lug lahaayeen weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic ee ka diiwaan gashan Jasiiradaha Marshall 10-kii Maajo.

Lixda qof ee looga shakisan yahay in ay yihiin burcad badeed ayaa waxaa 14-kii bishan May ku wareejiyay maamulka Seychelles, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada howlgalka Midowga Yurub ee ATALANTA.

Booliska Seychelles ayaa markii la soo qabanayay shaaca ka qaaday in Eedeysanayaashan ay da’doodu u dhaxeyso 20 ilaa 40 sano, waxaana saddex ka mid ah dadkaasi loo qaaday Isbitaalka si loola tacaalo dhaawacyada ka soo gaaray jirkooda.

Hawlgalka ATALANTA waxa uu heshiisyo sharci ah la leeyahay waddamo kala duwan oo ku sugan Aagga Hawlgallada, oo ay ka mid tahay Seychelles, oo ah jasiirad ku taal galbeedka Badweynta Hindiya. Tani waxay saamaxaysaa in maxkamad la soo taago tuhmanayaasha budhcad-badeedda ee ay qabtaan maraakiibta dagaalka ee ku biiraya hawlgalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News