Shan shaqaale oo ajnabi ah oo lagu dilay markabka MT Honour 25

|

Shan shaqaale oo ajnabi ah ayaa lagu dilay markabka MT Honour 25, kaddib markii koox burcad-badeed ah ay xoog kula wareegeen markabka, sida ay sheegtay Puntland.

Shaqaalaha la dilay ayaa ka kala soo jeeday Pakistan, Myanmar iyo Hindiya. Puntland ayaa sheegtay in saddex ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen muwaadiniin Pakistan u dhashay, halka qof kale uu ka soo jeeday Myanmar, qofka shanaadna uu ahaa muwaadin Hindi ah.

Dhacdadan ayaa dhacday ka hor inta aysan ciidamada Ilaalada Badda ee Puntland bilaabin hawlgalka lagu soo badbaadinayay markabka iyo shaqaalihii saarnaa. Ciidamada Puntland ayaa sheegay in hawlgalka uu ku dhammaaday muddo kooban gudaheed, iyadoo markabka laga saaray gacanta burcad-badeedda.

Markabka MT Honour 25 ayaa hadda la sheegay inuu ku jiro gacanta ciidamada PMPF, waxaana Puntland ay sheegtay in xaaladdiisa amni la xaqiijiyay kaddib markii ciidamada ay gacanta ku dhigeen markabka.

Marka laga soo tago shanta qof ee lagu dilay markabka, afar shaqaale oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka. Puntland waxay sheegtay in saddex ka mid ah dadka dhaawacmay ay yihiin muwaadiniin Pakistan u dhashay, halka qofka afraad uu yahay Hindi.

Hawlgalka ciidamada Puntland ayaa sidoo kale sababay in la qabto 16 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen burcad-badeedda gacanta ku dhigtay markabka. Ciidamada ayaa sheegay in xubno kale oo kooxda ka tirsanaa ay goobta ka baxsadeen, kuwaas oo hadda ay ciidamadu raadinayaan.

Puntland ayaa sheegtay inay hayso xog ku saabsan meelaha ay ku sugan yihiin xubnaha baxsaday, iyadoo ay socdaan hawlgallo lagu doonayo in lagu soo qabto dadkaasi.

DHEERAAD:  NABADOON si arxan darra ah loogu dilay Shabeellaha Dhexe.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in hawlgallada lagu doonayo in lagu xakameeyo burcad-badeednimada ay sii socon doonaan, iyadoo ciidamada Ilaalada Badda ay heegan ku sii ahaan doonaan xeebaha iyo goobaha looga shakisan yahay in ay kooxaha burcad-badeedda ka hawlgalaan.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd afduubka markabka iyo falalka burcad-badeednimada lala tiigsan doono tallaabo sharci ah.

Dhacdada MT Honour 25 ayaa muujinaysa halista weli ka jirta xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan marka ay kooxo hubeysan isku dayaan inay la wareegaan maraakiibta ku safraysa biyaha Soomaaliya.

Ciidamada Puntland ayaa sheegay in hawlgallada amniga badda ay qayb ka yihiin dadaallada lagu doonayo in looga hortago burcad-badeednimada iyo falalka kale ee khatarta ku ah maraakiibta iyo shaqaalaha ka shaqeeya safarrada badda.

Ilaa hadda, Puntland waxay sheegtay in markabka MT Honour 25 uu si nabad ah ugu jiro gacanta ciidamada PMPF, halka ciidamada ay sii wadaan raadinta xubnaha burcad-badeedda ee baxsaday.

Maamulka ayaa ku celiyay in dagaalka ka dhanka ah burcad-badeednimada uu sii socon doono, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono dadka lagu helo inay ku lug leeyihiin falalkaas.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News