afiirka Israa’iil u fadhiya Imaaraadka Carabta, Yossi Shelley, ayaa sheegay inuu kulan la yeeshay Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka, Mascuud Cabdi Cali, kaas oo ay kaga wada hadleen fursadaha ka dhashay xidhiidhka cusub ee labada dhinac.
Shelley ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay in kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo horumarinta xidhiidhada laba geesoodka ah, kaddib markii Israa’iil ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland inay tahay dal madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda.
Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka, ayaa sida uu sheegay Shelley, si weyn u soo dhaweeyay go’aanka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee aqoonsiga Somaliland, isaga oo ku tilmaamay tallaabo geesinimo leh.
Shelley ayaa sidoo kale sheegay in Wakiilka Somaliland uu u fidiyay martiqaad uu ku booqdo Somaliland, taas oo uu sheegay inuu rajaynayo in uu aqbalo.
Safiirka Israa’iil ee Imaaraadka ayaa sheegay inuu rajaynayo in dalal kale ay ku daydaan Israa’iil oo ay Somaliland u aqoonsadaan dal madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda.
“Waxaan rajaynayaa inaan dhisno iskaashi xooggan oo aan horumarino xasilloonida gobolka,” ayuu Yossi Shelley ku sheegay qoraalkiisa.
Somaliland ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah, halka dowlada Soomaaliya ay dhankeeda wado olole ka dhan ah aqoonsiga Israa’iil iyo in waddamo kale ay raacaan wadada Israa’iil.

