Somaliland ayaa ugu baaqday Qubrus iyo Giriigga inay dib u eegaan mowqifkooda ku aaddan aqoonsiga Somaliland, kaddib wada xidhiidh uu Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur, la sameeyay Jamhuuriyadda Ismaamulka Waqooyiga Qubrus ee Turkigu taageero, oo sheegata in ay ka goday Jamhuuriyada Qubrus.
Sida ay qortay Cyprus Mail, Somaliland ayaa sheegtay inay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Qubrus iyo Giriigga, iyadoo ka digtay waxa ay ku tilmaantay “gardarrada Soomaaliya iyo Turkiga”. Somaliland waxay sidoo kale su’aal gelisay xidhiidhka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu la sameeyay dhiggiisa Waqooyiga Qubrus.
“Qubrus iyo Giriiggu waa inay dib u eegis cusub oo istiraatiiji ah ku sameeyaan Jamhuuriyadda Somaliland,” ayay Somaliland sheegtay, iyadoo ku doodday in aqoonsigeedu uu abuuri karo fursado cusub oo dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo amniga ah.
Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu khadka taleefanka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyiga Qubrus, Ziya Öztürkler, kaas oo ugu hambalyeeyay xilka uu dhowaan qabtay. Nuur ayaa qoraal uu markii dambe baraha bulshada ku daabacay ugu mahadceliyay guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyiga Qubrus, balse qoraalkaas ayaa markii dambe la tirtiray.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Jimcihii caddeysay in mowqifka Soomaaliya ee arrinta Qubrus anay waxba iska beddelin. Wasaaraddu waxay sheegtay inay ixtiraamayso madaxbannaanida, qarannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Qubrus, taasi oo ku saleysan sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa muddo dheer lahaa xidhiidh dhow oo istiraatiiji ah, kaas oo ku fidsan dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo horumarinta kaabayaasha. Baarlamaanka Turkiga ayaa bishii hore ansixiyay in ciidamada Turkiga ee Soomaaliya joogitaankooda la kordhiyo ilaa July 2028, iyadoo Ankara ay sheegtay inay Soomaaliya ka taageerayso la dagaallanka argagixisada, burcad-badeednimada iyo khataraha kale.
Dhanka kale, Israa’iil ayaa bishii December ee sanadkii hore aqoonsatay Somaliland, balse illaa hadda ma jirto dowlad kale oo raacday tallaabadaas. Qubrus ayaa xilligaas sheegtay inay taageersan tahay mowqifka Midowga Yurub ee ku aaddan ixtiraamka midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo Somaliland ku tilmaantay inay weli qayb ka tahay Soomaaliya.

