Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo lagu helo inay ka qaybqaadatay beegsiga dadka Itoobiyaanka ah, gaar ahaan dadka ka soo jeeda qoomiyadda Oromada ee ku sugan magaalada Boorama, xarunta gobolka Awdal.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in falalka lagu beegsaday dadka ajaaniibta ah aysan waafaqsanayn siyaasadda xukuumadda, isla markaana aan loo dulqaadan doonin.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in dadka ajaaniibta ah ee ku sugan Somaliland ay leeyihiin xuquuq ay tahay in la dhowro, isagoo sheegay in aan la aqbali karin in dad lagu eryo ama lagu dhibaateeyo halka ay ku nool yihiin.
“Falalka lagu beegsaday ajaaniibta ee ka dhacay Boorame waxa ay liddi ku yihiin Somaliland, mana u dulqaadanayno. Waxaan tallaabooyin adag ka qaadaynaa ciddii falkaas samaysay. Dadka ajaaniibta ah dhulkayaga waxay ku leeyihiin xuquuq lamana eryi karo,” ayuu yiri Barkhad Jaamac Batuun.
Hadalkan ayaa imanaya xilli magaalada Boorama iyo deegaano kale ay ka jiraan walaac la xiriira dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan dhulka Soomaalida, gaar ahaan dadka ka soo jeeda qoomiyadda Oromada.
Dagaalladii iyo rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Mooyaale ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dhaliyay xiisado ka baxsan goobtii ay colaadu ka dhacday.
Rabshadahaas ayaa sababay barakac ballaaran, iyadoo kumannaan qof ay ka qaxeen guryahooda, una tallaabeen dhinaca Kenya. Dagaalka ayaa sidoo kale horseeday cabsi iyo caro ka dhex dhalatay qaar ka mid ah dadka deegaanka, taas oo saameyn ku yeelatay dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan qaybo ka mid ah dhulka Soomaalida.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay dadka ka soo jeeda qoomiyadda Oromada inay ku lug leeyihiin murannada dhuleed iyo colaadaha ka socda Mooyaale, hase yeeshee eedeymahaasi ma aha kuwo si guud loogu nisbayn karo dhammaan dadka qoomiyaddaas.
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in dadka ajaaniibta ah ee ku sugan deegaannadeeda ay leeyihiin xuquuq sharci ah, isla markaana aan loo adeegsan karin rabshadaha ka dhacay meel kale in lagu beegsado ama lagu dhibaateeyo.
Digniinta wasiirka ayaa muujinaysa in xukuumaddu doonayso inay ka hortagto in xiisadaha ka dhashay dagaalka Mooyaale ay ku fidaan gudaha Somaliland, gaar ahaan magaalada Boorama oo ah xarun muhiim u ah gobolka Awdal.

