Soomaalida kunool dalka Kenya ayaa kacabanaya dhibaato dhaqaale oo sababtay dibadbaxyada

|

Nairobi (KAAB) – Soomaalida ku nool magalaada Nairobi ee dalka Kenya ayaa saameeyn ballaaran waxaa ku yeeshay banaanbaxyada kenya kajira oo ay dhigayaan mucaaradka.

Gaadiidleyda Soomaalida ah ayaa sheegaya in dibadbaxdyada maalmahan kasoo cusboonaaday Kenya ay curyaamiyeen howlohoodii, isla markaana ay khasaareen lacago fara badan oo markii hore ay shaqeyn jireen.

Waxaa ay ugu baaqeen Soomaalida kale in aysan furin dukaamadooda inta ay jiraan dibaxyada, isla markaana ay saameyn ku yeelan karto, lagana yaabo in la dhaco hantidooda.

Sidoo kale waxaa ay rajo xumo ka muujiyeen inay Shaqooyinkooda sii socdaan hadii ay joogsan waayaan dibadbaxyada, waxaayna dowladda Kenya ka dalbadeen inay xakameyso bannaanbaxyada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News