Soomaaliya Oo Awaamiir Cusub Kusoo Rogtay Maraakiibta Soo Galaysa Biyaha soomaaliya Si Loo Xoojiyo Ammaanka Badda.

|

Muqdisho (KAAB TV) –  Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday awaamiir cusub oo dhowr ah oo ku wajahan maraakiibta isaga kala goosha baddeeda, kuwaas oo looga gol leeyahay in kor loogu qaado la socodka iyo gacan ku haynta dhulka badda ee qaranka. Xeerarkan oo ay soo saartay hay’adda sharci-dejinta badaha Soomaaliya, ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo lagu xoojinayo amniga qaranka iyo xaqiijinta u hoggaansanaanta shuruucda dalka.

Sida uu dhigayo sharcigan cusub, “dhammaan maraakiibta soo galaya badda Soomaaliya waxaa laga rabaa in ay suran calanka Soomaaliya.” Sidaa waxaa shaacisay Warbaahinta Dowladda. Waajibaadkan, ayay saraakiishu sheegeen in looga golleeyahay in lagu xaqiijiyo madax-banaanida Soomaaliya iyo in la horumariyo aqoonsiga iyo daba-galka maraakiibta ka howlgala gudaha maamulkeeda. Sidoo kale, maraakiibta isaga kala goosha badda Soomaaliya waa in ay ogeysiiyaan maamulada Soomaaliya, si adagna ay u raacaan shuruucda ay soo saartay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Awaamiirtan ayaa hoosta ka xariiqaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta ammaankeeda badda oo sannadihii u dambeeyay ahaa mid ay dowladdu diiradda saartay. Qorshahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Soomaaliya ay dooneyso inay ka ilaaliso baddeeda falal aan la ogolayn ama sharci darro ah oo ay ka mid yihiin burcad badeedda iyo kalluumeysiga aan sharciyeysneyn, kuwaas oo dhowr jeer oo hore aafeeyey gobolka.

Dowladda ayaa sidoo kale qaaday tillaabo ay ku xoojineyso awoodeeda difaaca badda, iyadoo dhawaan heshiis la saxiixatay Turkiga oo saaxiib dhow ah, si uu gacan uga geysto sugidda amniga badda tobanka sano ee soo socota. Iskaashigan ayaa la filayaa in uu Soomaaliya u fidiyo taageerada lagama maarmaanka ah si ay si hufan u ilaaliso baddeeda.

Marka laga soo tago xeerarkan cusub, dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay wax uga qaban lahayd cabashooyinka ka imaanaya heshiisyada ay aaminsan tahay in lagu xadgudbayo qaranimadeeda. Gaar ahaan, Soomaaliya waxa ay xoogga saaraysaa in dib loo eego heshiiskii ay kala saxeexdeen Itoobiya iyo maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland, kaas oo Itoobiya u oggolaaday inay hesho badda Soomaaliya. Madaxda Soomaalida ayaa arrintan u arka mid xad-gudub ku ah qarannimada.

Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn oo ay ku nool yihiin in ka badan 110 milyan, ayaa muddo dheer raadinaysay marinka badda si ay u fududayso ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha. Jimcihii, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Taye Atskeselassie ayaa ku celiyay muhiimada ay leedahay in Itoobiya marinka badda loo helo, isaga oo iftiimiyay dhaqdhaqaaqyada gobolka ee ku xeeran xuquuqda iyo madaxbannaanida badda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News