BAYDHABO (KAAB TV) – Horraantii sannadkii 2017 ayaa waxaa dalka Finland looga dhawaaqay ol’ole loo bixiyay Ololaha Cafiska Soomaaliyeed kaas oo madashii lagaga ay ka soo qaybgaleen suxufiyiin Soomaaliyeed, siyaasiyiin iyo dad ka socday ururada bulshada rayidka ah, waxaana fikradda kulankaas lahaa nin weriye ah oo lagu magacaabo Wali Xaashi oo Finland deggan.
Dhibaatooyinka aafada ahaa ee soo kala gaaray Soomaalida tan iyo 1990 markii dowladdii militariga ahayd xukunka laga tuuray, ayaa keentay Baahida loo qabo in Soomaalidu iscafiso, taasoo soo jiidatay dhallinyaro badan iyo culimaa’udiin.
Wax ka yar labo sano ayaa waxaa abuurmay shaki ku saabsan ujeeddada dhabta ah ee Ololaha Cafiska Soomaaliyeed oo qaar ka mid ah aas-aasayaasha aysan horey ugu baraarugsaneyn, taasoo halis ama khataro amni gelin karta qaar ka mid ah aas-aasayaasha oo aan xogta dhabta oo mid ka mid ah aas-aasayaashu damacsanaa.
Durbaba waxaa soo ifbaxay kaniisado lacag yabooh ah ku bixinaya barnaamijka cafis, taasoo hal mar hakisay xawligii uu ku socday barnaamijka CAFIS, sababtayna in qaar ka mid ah aas-aasayaasha gudaha dalka iyo dibaddaba isaga tagaan.
Si loo khaldo ra’yul caamka ayaa maamulka cafis hadba koox lagu magacaabaa, iyadoo in muddo ah ku magacawnaayeen siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya, iyaguna cago buuran kuma aysan taagneyn oo waa isaga tageen markii ay ogaadeen ujeeddada dhabta ah ee laga damacsanaa oo in si dadban loogu faafiyo diinta masiixiga, iyadoo la sheegay in uu xiriir weyn kala dhexeeyo Ururka Cafis ee ay leeyihiin kaniisadaha, una qaabilsan keydinta xogaha diin-faafiyaasha kirishtaanka.
Waxaa jirta sida warar lagu kalsoonaan karo laga helay, lagana dheehan karo dhacdooyin dhowr ah oo hore, xiriir togan iyo kuwo taban oo labada dhinac ka dhexeeya. Xiriirkaas ayaa ku salaysan wadashaqayn ay labada urur ka yeelanayaan dhinaca diyaarinta dukumentiyo iyo qoraallo af Soomaali ah iyo English ah oo loogu talagalay dadka diinta Kirishtaanka ku faafiya Soomaaliya.
Ururkan oo uu madax ka yahay muwaan Soomaali ah oo deggan dalka Finland oo lagu magacaabo Wali Xaashi, oo ah shakhsiga udub dhexaadka u ah isku xirka Kaniisadaha dibadda gaar ahaan kaniisadaha Finland iyo shakhsiyaadka magaca cafis sheegta ee dhigooda ah ee Soomaaliya ka faafiya diinta, shakhsiyaadkan oo kale waxaa lagu magacaabaa afafka qalaad ”Missioneries”.
Kooxda Cafis Soomaaliya kama soo jawaabin codsi wareysi oo aan u dirnay maalmo ka hor qormadan.