ANKARA(KAAB TV) – Waxaa lasoo gaba gabeeyay wada hadal u dhaxeeyay wafuud ka kala socotay Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhacay magaalada Ankara iyadoo aan la isku afgaran qodobadii laga wada hadlay. Wada xaajoodka oo uu fududeeyay Turkiga ayaa ku dhamaaday guul la’aan waxaana labada dhinac ay weli ku jiraan xaalad cakiran.
Wada-hadalladan oo socday saacado badan ayaa lagu guul-darreystay in lagu xalliyo qodobbo muhiim ah oo la isku hayay. Sida ay sheegeen Diblumaasiyiin ku sugan Wadahadallada oo la hadlay Mustaqbal, Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa mowqifkeeda ah in Itoobiya ay marka hore ka hadasho heshiiska muranka dhaliyay ee ay la gashay Maamulka Somaliland, kaasoo ay Soomaaliya u aragto mid meel ka dhac ku ah Qaranimadeeda. Wafdiga Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya in Itoobiya ay ka baxdo heshiiskaas oo ay raali gelin ka bixiso ka hor inta uusan furmin wada hadal macno leh.
Dhinaca kale, Itoobiya ayaa ku heshiin weyday shuruudahaas, taasoo keentay inuu burburo wada-hadallada. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Itoobiya ay ka biya diiday baaqyada ahaa in ay ka baxdo heshiiskii ay la gashay Somaliland, halka Soomaaliya ay si adag u diiday in wax wada xaajood ah la galo iyada oo aan shuruudaas la buuxin.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan, ayaa si firfircoon uga qayb qaatay isku dayga dhexdhexaadinta khilaafka, isaga oo ku booriyay Itoobiya inay xal u hesho xal u saamaxaya in dib loo bilaabo wadahadallada. Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda, wax horumar ah oo la gaaray ma jiro. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaan faah faahin dheeraad ah ka bixin waxyaabihii laga wada hadlay iyo shuruudaha gaarka ah ee weli aan la xalin.
Wareegga xiga ee wadahadalka ayaa loo qorsheeyay Agoosto 13, iyadoo rajo laga qabo in dadaalka diblumaasiyadeed ee Turkiga oo sii socda ay horseedi karaan xal.

