MOGADISHU (KAAB TV) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa ka qeyb galay shirka 33-aad ee Wasiirada Maaliyadda Wadamada Jaamacadda Carabta oo shalay ka furmay magaalada Manama ee xarunta Boqortooyada Baxreyn.
Shirkan sanadlaha ah ee madaxda Carbeed ee Wasiirada Maaliyadda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaalaha iyo ka wada shaqeynta horumarinta xasilloonida iyo maalgashiga kobaca dalalka Carabta.
Shirkan oo ay isugu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda ee ka kala socday dalalka Carabta ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah, waxaana qodobbadii ka soo baxay ay ballan-qaadeen in loo gogol xaarayo mustaqbalka adkeysiga dhaqaalaha iyo barwaaqada dalalka Carabta.
“Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa kulanka kadib sheegay in kulanka looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo ay dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirtay sanadihii ugu dambeeyay sidii Soomaaliya ay kor ugu qaadi lahayd. dhaqaale ahaan iyo dhaqaale ahaanba.” sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda
Magaalada Manama ee xarunta dalka Baxreyn ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shirka Jaamacadda Carabta 16-ka bisha May ee sanadkan, waxaana Soomaaliya u matali doona Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

