Taliyaha Ciidanka Kenya ee Bariga oo kormeeray ciidamada AUSSOM ee Kismaayo

|

Taliyaha Ciidanka Kenya ee taliska Bariga, Sarreeye Guuto Luka Kutto, ayaa booqasho ku tagay ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Booqashadan oo ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya, ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta diyaar-garowga ciidamada, xaaladda amni ee goobaha ay ka howlgalaan iyo daryeelka askarta ku sugan Soomaaliya.

Markii uu gaaray Kismaayo, Sarreeye Guuto Luka Kutto waxaa halkaas ku soo dhaweeyay ku-xigeenka taliyaha Qaybta Labaad ee howlgalka, Gaashaanle Sare Daniel Musau.

Taliyaha ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada, isaga oo xog ka helay xaaladaha howlgalka iyo caqabadaha ay wajahayaan ciidamada Kenya ee ka howlgala Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka, waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada ay ilaaliyaan feejignaanta, anshaxa iyo xirfadda milatari, si ay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Booqashada taliyaha ayaa timid laba maalmood kaddib munaasabaddii Maalinta Ciidanka Difaaca Kenya oo la xusay 14-kii Oktoobar, taas oo lagu maamuusay askartii ku dhimatay howlgallada, laguna sharfay halyeeyadii hore iyo ciidamada weli adeegga ku jira.

Magaalada Kismaayo ayaa martigelisa xarunta Qaybta Labaad ee howlgalka AUSSOM, halkaas oo ciidamada Kenya ay ka qayb qaataan dadaallada lagu taageerayo amniga Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News