Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Baraawe kula hadlay ciidamada la wareegay amniga magaalada+ Sawirro

|

Booqashada Taliyaha ayaa ku soo beegmaysa xilli ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen mas’uuliyadda amniga magaalada Baraawe, kaddib bixitaankii ciidamada Midowga Afrika ee halkaasi ku sugnaa.

В Сомали прошел парад в честь 66-летия национальной армии - ИА "Африканская инициатива"

Taliyaha oo ciidamada u jeediyay dardaaran

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, booqashada oo dhacday 5-ta Nofeembar 2026 ayaa Taliyuhu ciidamada u jeediyay dardaaran iyo dhiirrigelin la xiriirta gudashada waajibaadka qaran ee saaran.

Wuxuu si gaar ah u adkeeyay muhiimadda feejignaanta, geesinnimada, isku-duubnida iyo ilaalinta amniga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu ciidamada kula dardaarmay inay muujiyaan diyaar-garow buuxa, isla markaana ay si hagar la’aan ah u gutaan waajibaadkooda, kana faa’iideystaan fursadaha ay ku wiiqi karaan awoodda Al-Shabaab.

TSK tarafından eğitildiler! Somali'deki Gorgor Özel Kuvvetleri'nden gövde gösterisi | TRHaber

Taliyaha ayaa ugu dambeyn ku boorriyay ciidamada inay sii xoojiyaan dadaalkooda, muujiyaan karti iyo waddaniyad, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah oo ka xor ah Al-Shabaab.

Ciidamada Soomaaliya oo la wareegay amniga Baraawe

La wareegidda amniga Baraawe ayaa qeyb ka ah isbeddelka ku socda howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose.

Redirect Notice

Baraawe waa magaalo xeebeed istaraatiiji ah oo ku taalla gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna muhiim u tahay isku socodka dadka iyo ganacsiga, sidoo kale waxay door ku leedahay qorshaha amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay in ka bixitaanka ciidamada Uganda ee ku joogay heshiiska labada dal uusan ka dhignayn in dhammaan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AUSSOM ay dalka ka baxeen.

Caqabadda hortaalla ciidamada dowladda

La wareegidda amniga Baraawe waxay ciidamada Soomaaliyeed hor dhigeysaa mas’uuliyad dheeraad ah, maadaama ay hadda si weyn ugu tiirsanaan doonaan awooddooda ciidan, saadka iyo isku-duwidda howlgalada.

Somalia: Al-Shabaab suffers fresh losses in SNA operations

Waxaa muhiim ah in ciidamada dowladda ay xaqiijiyaan ilaalinta saldhigyada, waddooyinka iyo deegaannada ku xeeran magaalada, si looga hortago in Al-Shabaab ay ka faa’iideysato isbeddelka ku yimid joogitaanka ciidamada shisheeye.

Booqashada Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa muujineysa muhiimadda uu talisku siinayo diyaar-garowga ciidamada iyo xoojinta amniga magaalada Baraawe.

DHEERAAD:  Falcelinada ka dhashay heshiiska golaha wadatashiga Qaran

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News