Tallaabada KGS oo jiho u bixisay doorashooyinka Soomaaliya 2026

|

LONDON (Kaab TV) – Saaka oo Isniin ah [23 Maarso 2026] ayay Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS) ku dhawaaqday magacaabista Guddiga Doorashada Heer Dowlad Gobolleed, kaasoo ka kooban 9 xubnood. Guddiga, sida uu sheegay war saxaafadeed uu akhriyay Afhayeenka Madaxtooyada KGS, Ugaas Xasan Cabdi, wuxuu mas’uul ka yahay qabashada doorashada heer dolad goboleed ee maamulka Koonfur Galbeed.

Xubnaha guddiga ayaa ka kooban siddeed rag iyo haweeney. Dhammaantood waa reer Koonfur Galbeed.

Sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin ku sugan Baydhabo waxaa la rajeynayaa in hawlaha doorashada KGS ku soo dhammaadaan muddo 10 maalmood oo ka bilaabata maanta.

Koonfur Galbeed waxay tallaabadan u cuskatay 142aad ee Dastuurka Federaalka iyo Dastuurka Dowlad Gobolleedka KGS.

Tani waxay ka dhigan tahay in KGS ay jiho u furtay cakirnaantana ka saartay hannaanka doorashooyinka federaalka ee Soomaaliya ee sannadka 2026, kuwaa oo shaki iyo sugnaansho la’aan badan uu hareeyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa riixeysay inay doorashooyinka iyada wada qabato, oo la hoos keeno guddigii uu horey u sameystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda waqtigiisu ka harsan yahay 53 maalmood ahna musharrax raba inuu xilka sii joogo.

Dowlad Gobolleedyada gaar ahaan Jubaland iyo Puntland ayaa diiday damaca Xasan Sheekh Maxamuud ee ah qabashada doorasho uu guddiga kaligiis sameystay, iyo tallaabooyinka ay ka mid ahaayeen bedellida dastuurka federaalka iyo qaadida hannaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn.

Dowlad gobolleedyada waxay caddeeyeen in damaca Xasan Sheekh uu ku qotomo waqti dheereysi uu rabo inuu ku sharciyeysto tallaabooyinka bedelidda dastuurka iyo sameysashada guddi doorasho oo isaga u gaar ah.

Hannaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay shan (5) dowlad gobolleed iyo Gobolka Banaadir. Hadda waxaa Puntland iyo Jubaland ku soo biiray Koonfur Galbeed oo madaxweyneheedu toddobaadkii hore si cad u diiday bedellida Dastuurka Federaalka iyo qaadida doorasho aan heshiis lagu ahayn.

Tallaabada maanta ay qaaday Koonfur Galbeed ee ay ku magacawday guddi doorasho heer dowlad gobolleed wuxuu xaqiijinayaa in nooca doorasho ee Soomaaliya ka hirgali kara uu yahay midka dorashoyinka dadban oo heshiis lagu yahay, waana taas jidka ay hadda aaday KGS.

Puntland waxay doorashadeeda qabsatay sannadkii 2023, halka Jubaland ay qabsatay 2024. Labaduba waxay doorashada qabsadeen iyadoo Dowladda Federaalka aysan raali ka ahayn, ama ay si cad u diiddan tahay.

Hadda Dowladda Federaalka, sida ku cad wareegto uu shalay soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Xoosh, waxay sidoo kale diidday in KGS ay qabsato doorasheeda, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ay dooneyso inay doorasho garab-yaac ah ku qabato magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo toddobaadkii hore ay Dowladda Federaalka geysay ciidankeeda Haramcad iyo Gorgor, ka dib markii magaalada ay isaga bexeen ciidanka KGS.

Galmudug, oo aan illaa hadda hambalyeynin bedelidda Dastuurka Federaalka ee 4 Maarso 2026, iyo Hirshabeelle oo la sheegaayo in cadaadis siyaasadeed iyo mid amni uu kaga imaanaayo Villa Soomaaliya, ayaan weli la ogeyn jihada ay qaadi karaan.

Saddexda dowlad gobolleed ee KGS, Jubaland iyo Puntland waxay u dhigmaan aqlabiyad. Inay weli ku dheggan yihiin Dastuurka Federaalka ee 2012, iyo inay qaadeen jidka doorasho dadban oo ay dowlad gobolleedyada leeyihiin sharciyadda maamulka waxay ka dhigan tahay in doorashooyinka Soomaaliya ee 2026 ay noqonayaan kuwo ku saleysan nidaamka xulista ergada ee odayaal dhaqameedka, iyo in Dastuurka rasmiga ee dalku yahay kii 2012.

Maadaama ay qabaa’ilka iyo gobollada Soomaalida wax ku qeybsadaan nidaamka loo yaqaano 4.5, welina aan la helin xal kale oo looga guuro, dad badan ayaa qaba in habka doorashada dadban ee qabaa’ilka ay tahay tan kaliya ee isku heyn karta qabaa’ilka Soomaalida. Nidaamkan isaga ah ayaa door muhiim ah siinaya odayaasha beelaha.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News