ANKARA (KAAB TV) -Turkiga ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu ku biiro Koonfur Afrika dacwadda ICJ ee ka dhanka ah Israa’iil waxayna soo gudbin doontaa codsigeeda ku biirista kiiska Arbacada, wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sidaas sheegtay .
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii ku dhawaaqay in “kooxda sharci ee baarlamaanka Turkiga ay u gudbin doonaan codsigeena ah in ay ku biiraan kiiska xasuuqa ee ka dhanka ah Israa’iil maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee Hague” Arbacada.
Kadib shir ay golaha wasiiradu ku yeesheen caasimadda Ankara, Erdogan waxa uu yidhi, “Si kasta oo ay u dhacdo xasuuqa shabkadan dhiigyacabka ah, kama joojinayso Turkiga iyo shacabka Turkiga in ay garab istaagaan Falastiiniyiinta,” Anadolu ayaa werisay.
Diisambar 29, 2023, Koonfur Afrika ayaa Israa’iil geysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda sabab la xiriirta xasuuq lagu eedeeyay Gaza.

