Waa sidee Xaalada Dayniile ka dib dagaalkii xalay ka dhacay?

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Xaalad degganaansho ah ayaa saaka dib ugu soo laabatay xaafadda Warlaliska ee degmada Deyniile, kadib iska horimaad culus oo shalay galab illaa xalay fiidkii halkaasi ku dhex maray ciidamada dowladda iyo shacabka deegaanka.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamada dowladda lagu eedeeyay inay isku dayeen burburinta guryo ay leeyihiin dad rayid ah, arrintaas oo dhalisay caro xooggan iyo iska caabin degdeg ah oo kaga timid dadka deegaanka.

Sida ay sheegeen goob joogayaal, ciidamada ayaa gaaray xaafadda iyagoo doonayay inay fuliyaan howlgal la xiriira duminta guryo, balse dadka deegaanka ayaa ka horyimid tallaabadaasi, iyagoo hubkooda qaatay si ay uga difaacdaan guryahooda iyo hantidooda. Taasi waxay sababtay in rasaas culus la isku adeegsado gudaha xaafadda, iyadoo cabsi iyo jahwareer xooggan ay soo wajahday shacabka ku nool deegaanka.

Iska horimaadka oo socday muddo kooban ayaa ahaa mid aad u xooggan, waxaana la maqlayay rasaas iyo qaraxyo xiriir ah oo laga maqlayay xaafado ka tirsan degmada Deyniile.

Dad badan oo rayid ah ayaa la sheegay inay guryahooda ka barakaceen intii uu dagaalku socday, halka ganacsiyada iyo isku socodka deegaanka ay si ku meel gaar ah u istaageen.

Wararka ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan afar askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo 3 shacab ah ay ku dhinteen dagaalkaasi, waxaana shacabka dhintay ku jira Ilmo yar.

Ciidamada dowladda ayaan ugu dambeyn ku guuleysan fulinta qorshahii la xiriiray burburinta guryaha, kadib markii ay la kulmeen iska caabin xooggan oo uga timid dadka deegaanka. Xiisadda arrintan ka dhalatay ayaa sii kordhisay walaaca laga qabo murannada la xiriira dhulka iyo burburinta guryaha ee ka socda magaalada Mogadishu.

Dhanka kale, waxaa deegaanka gaaray wafdi Xildhibano iyo saraakiil u badan oo ka soo jeeda beesha Murasade, kuwaas oo dadaal ugu jira dejinta xaaladda iyo xalinta xiisadda taagan. Wafdigaasi waxaa hoggaaminaya Xildhibaanada Jacfar iyo Faaiso Jayte, waxaana ku wehlinaya saraakiil ciidan iyo waxgarad deegaanka ah.

Wafdiga ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan dadka deegaanka iyo mas’uuliyiinta dowladda si loo helo xal looga hortago in mar kale uu dagaal ka dhaco xaafadda, isla markaana loo dejiyo cabashada shacabka ee ku saabsan burburinta guryaha. Inkastoo xaaladdu hadda deggen tahay, haddana weli waxaa jira dareen cabsi iyo feejignaan ah oo ka jira deegaanka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News