Baledweyne (KAAB TV)- Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay Qaar kamid ah Xaafadaha Baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.
Dadka dagan Xaafada xaawa-taako gaar ahaan laanta kulanta ayaa wajahaya culees kaga imaanaya kanaal soo jabsado waqtiyada uu biyo keeno wabiga sheebele ee mara bartamaha magaalada baladwayne ee xarunta gobolka hiiraan.
Kiligan biyaha soo fatahay ayaa waxa uu ku yaalaa Xaafada xawa taako gaar ahaan geed timirka.
Dhalinyarada iyo dadka xaafada xaawo-taako oo iskaa shanaayao ayaa bilaabay in ay la tacaalaan biyaha uu soo fatahay Kiliga timirka si aysan u barakicinta dadka xaafada iyo Magaalada inteeda kale oo ka cabsi qabta in wabiga uu ku fataho .
Qaar kamid ah dhalinyaradaan u istaagtay wax kaqabashada fatahaada uu sameeyay wabiga shabelle ayaa u sheegay warbaahinta in ay si isxilqaan ah ugu xirayaan biyaha halkaan iyagoona codsaday in maamulka degmada iyo gudiga fatahaada ay halkaan wax ka qabtaan madaama ay dhibaato wayn ku hayso bulshada ku naool Xaafadaha magaalada baladwayne.
Bishii may ee sanadkaan ayeey ahayd markii biyo halkaan kasoo jabsaday ay barakiyeen dadka kunool xaafada xaawo-tako ee magaalada baladwayne.
tan iyo markaas waxba kama aysan qaban maamulka degmadabaladwayne iyo gudiga fatahada wabiga shabelle taasi oo sababtay in laga cabsi qabo in markale uu fatahaad ku sameeyo bulshada xaafada xaawo-taako
Is qab qabsiga maamul eek a jiro Magaalada Baladweyne ayaa waxa uu saameyn weyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii maamul iyo midkii hayadaha Deegaanka.
Ma jirto cid u dhaq dhaq dhaqaaqeyso wax ka qabashada fatahaada laga cabsi qabo in ay ku dhufato Magaalada hadii ay ahaan laheyd maamul ama hayadaha Samafalka
5-tii biloodba mar ayeey dadka ku nool magaalada baladwayne ay uga barakacaan fatahaad uusameeyo wabiga shebelle, mana muuqato wax xal ah oo wax looga qabanaayo Fatahaada isdabajooga ah ee ku so lab laabatay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Wabiga Shabeelle oo Soomaaliya kasoo gala dhanka Itoobiya ayaa kenay biyo aad kaga badan intii lagu arki jiray taas oo ay ugu wacan tahay Roobabka sida weyn kaga da’aya deegaanno kamid ah dowlad deegaanka Soomaalida iyo gobolada kale dowladda federalka Itoobiya.

