Wafdi ka socda dowladda Qatar oo soo gaaray Muqdisho

|

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil Gaarsiinta Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay wafdi ka socday Dowladda Qatar, oo uu hoggaaminayay La-taliye Sare ahna Agaasime ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Mudane Talaal Binu Rashiid Al-Hajri.

Wafdiga oo dalka u joogay arrimo la xiriira maalgashiga wax-soo-saarka cuntada iyo dhanka caafimaadka, isla markaana shalay heshiis dhinacyo badan ah la saxiixday Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa salaan sharafeed ugu yimid Xamsa Cabdi Barre, iyaga oo la wadaagay farriimo ay ka wadeen madaxda dalkooda.

wafdiga, oo uu wehliyay Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya, Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi uga warbixiyay horumarrada waaweyn ee Dowladda Federaalka ay ka samaysay kor u qaadista dhaqaalaha iyo adeegyada dadweynaha, isaga oo sidoo kale bogaadiyay xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News