MUQDISHO (Kaab TV) – Waxaa maanta dib uga billawday dagaal magaalada Baydhabo ka dib dagaal xalay, shalay iyo habeen hore ka dhacay gudaha magaalada kaas oo u dhexeeya ciidanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo malleeshiyaad beeleedyo la sheegay inay taageereyso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo askar ka tirsan Dowladda Federaalka.
Wararka aan heleeno ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid ka dib markii ciidamada maamulka Koonfur galbeed ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Deegaanka Habar-Dooy ku leeyihiin Ciidamada mucaaradka , waxaana aagaas laga maqlayaa daryanka hubka culus oo xiliya qaar dhaceysa.
Dagaalka ayaa habeen hore ka dhacay xaafadda Abu Casharow oo ku taalla duleedka magaalada iyo suuqa xoolaha oo ah deegaano ay shacabka ku badan yihiin.
Ilo deegaanka ayaa Kaab TV u sheegay in ugu yaraan labo gabdhood ay ku dhinteen dagaalka habeenkii Khamiista ka dib markii gurigooda uu ku habsaday qoriga Baasuukaba (RPG) oo dhinacyada dagaallamaya ay isku adeegsanayaan.
Saddex xarumood oo kuwa caafimaadka ayaa sheegay in dhaawacyo rayid oo dhan illaa afar ruux lasoo gaarsiiyay isbitaallada magaalada.
Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay dagaal ujeedkiisu yahay in lagu burburiyo maamulka Koonfur Galbeed ay ku soo qaaday.
“Dowladda Federaalka waxay wadaa duullaan qaawan oo ay ku dooneyso burburinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kala qeybinta dadkeeda,” ayuu yiri Ugaas Xasan Cabdi.
Dhanka kale, afhayeenka Baarlamaanka, Sheekh Aadan Madoobe oo jimcihii ka hadlay masjid ku yaalla aagga Villa Soomaaliya ayaa ku eedeeyay inuu Madaxweyne Laftagareen ka hor yimid dowladda federaalka.
Wuxuu kaloo sheegay in Madaxweyne Laftagareen uu kaligiis diyaarsanaayo doorashada maamulka Koonfur Galbeed.
“Taas lama aqbalaayo, waxaan leenahay ka joog,” ayuu yiri Aadan Madoobe oo ilaha qaarkood ay sheegayaan inuu isaga laf ahaantiisa yahay musharrax doonaya xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
Dad ku sugan magaalada Baydhabo ayaa Kaab TV u sheegay in dagaalka uu saameyn daran ku yeeshay nolosha dadweynaha oo waayadan abaaro, iyo sicir barar la taahayay, haatana colaad ay ugu darsantay.
Xaalka Baraawe
Ciidamo ka tirsanaa kuwa laalada madaxtooyada Koonfur Galbeed oo ka baxsaday degmada Baraawe ayaa gaaray magaalada Kismaayo.
Saraakiisha booliska Jubaland ayaa sheegay in 123 askari oo ka tirsan ilaalada madaxtooyada Koonfur Galbeed ee degmada Baraawe ay dhammaantood si nabadgelyo ah ku soo gaareen magaalada Kismaayo.
Degmada Baraawe, oo ah xarunta rasmiga ee Koonfur Galbeed, waxaa shalay la wareegay ciidan ka tirsan kuwa dowladda federaalka oo la sheegay inay hab qabiil u abaabulan yihiin, kuwaas oo laga soo diray Muqdisho, isla markaana doomo ku yimid Baraawe.

