MUQDISHO (Kaab TV) — Ganacsatada iyo dukaanleyda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa si isa soo taraysa u diiday qaadashada lacagta shilinka Soomaaliga, gaar ahaan kunka shilin, taas oo hadda u muuqata mid gebi ahaanba ka baxaysa wareegga suuqyada caasimadda.
Qaar ka mid ah ganacsatada iyo wadayaasha gaadiidka dadweynaha oo la hadlay Kaab TV ayaa sheegay in aysan aqbaleyn lacagta kunka shilin, iyaga oo ku sababeeyay in ay duugoowday, jeex-jeexantahay, isla markaana aysan jirin cid u beddeleysa lacag sax ah.
Tani waxay sababtay in macaamilka maalinlaha ah uu si weyn ugu tiirsanaado doolarka Mareykanka iyo adeegyada lacagaha mobilka sida EVC Plus, oo hadda noqday kuwa ugu badan ee wax lagu kala iibsado.
Dhibaatadan ma ahan mid cusub, balse waxay soo jiitamaysay muddo dheer, iyadoo horey loo diiday noocyadii kale ee yaryaraa ee shilinka Soomaaliga sida shan boqol iyo boqol shilin.
Hoos u dhaca qiimaha iyo kalsoonida lacagta maxalliga ah ayaa sii xoojiyay ka bixitaankeeda suuqyada waaweyn.
Soomaaliya weli kama jirto siyaasad lacageed oo mideysan, taas oo keentay kala duwanaansho ku saabsan isticmaalka lacagaha. Tusaale ahaan, deegaannada Puntland waxaa weli laga isticmaalaa noocyo kala duwan oo shilin Soomaali ah, halka Muqdisho iyo inta badan koonfurta dalka ay ku koobantahay isticmaalka kunka shilin oo keliya—taas oo hadda iyaduna wajahaysa diidmo ballaaran.
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaan weli si buuxda u shaqeyn, mana jirto faragelin muuqata oo uu ka sameeyay xaaladdan sii xumaaneysa. Dowladihii kumeelgaarka ahaa iyo kuwii xigay ayaa horey u soo saaray lacago lagu muransanaa sharciyadooda, balse tobankii sano ee la soo dhaafay lama daabicin wax lacag cusub ah, taas oo sii kordhisay ku tiirsanaanta doolarka.
Inkasta oo aan weli wax jawaab ah laga helin Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, haddana xaaladdan ayaa si gaar ah u saameyn karta dadka danta yar ee ku tiirsan shilinka Soomaaliga si ay u daboolaan baahiyahooda nololeed ee maalinlaha ah.
Waxaa jira walaac isa soo taraya oo ku saabsan mustaqbalka lacagta maxalliga ah iyo baahida loo qabo xal degdeg ah oo lagu badbaadinayo nidaamka lacagaha dalka.

