WAREYE lagu dilay Degmada Caabudwaaq ee gobolka galgaduud.

|

Caabudwaaq  (KAAB )-  Koox hubaysan ayaa degmada Caabudwaaq ee gobolka galgaduud waxa ay ku toogteen Cabdikariin Cali Bulxan oo ahaa suxufi samafale ah.

Weriyaha ayaa dhaawac ahaan waxa uu ugu geeriyooday  isbitaaalka degmadaas oo la dhigay isaga oo qaba dhaawac culus oo dhanka madax ah.

Kooxda falka gaystay ka dib ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga baxeen degmada Caabudwaaq ee ay dilka ka gaysteen.

Laamaha amniga degmada ayaa sameeyay talaabooyin ay ku doonayaan in ay  gacanta kugu soo dhigeen dadkii ka danbeeyay dilka Weriye Cabdikariin Cali Bulxan.

Bulxan ayaa ahaa suxufi in muddo ka howlgalayay degmada Caabudwaaq oo ugu soo waramayay warbaahinta Shabeelle ee fadhigeedu uu yahay magaalada Muqdisho.

Degmada Caabudwaaq  iyo deegaanada kale ee galgaduud waxa in mudda ah ka taagan dhiilo la xiriira colaada beelaha oo ay ku nafwaayeen dad aad u badan oo Soomaaliyeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News