Ankara (KAAB TV) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya , sidoo kale soo noqday lataliyaha Madaxweynihii hore ee Farmaajo, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa sheegay hadal dad badan layaab ku noqday, kaa oo ahaa in talada dalka lagu wareejiyo Al-Shabaab, si ay ula dagaallaan Itoobiya.
Sidoo kale, Axmed Macalin Fiqi Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X nasiibdarro ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray wasiirkii hore ee arrimaha dibadda , waxa uuna xusay in hadalka wasiirka u muuqdo mid uu caadi ka dhigayo fikirka Al-Shabaab.
“Anigoo ixtiraamaya xoriyatul qawlka, hadallada soo jeedinaya tanaasulka qaranimada Soomaaliya ama caadi ka dhigista fikradda ah in Al-Shabaab la aamini karo waa dhibaato qoto dheer oo aan la aqbali karin.”ayuu yiri Wasiir Axmed Fiqi.
Dhanka kale, lataliyihii hore ee Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda hadda jirta uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh aysan iska dhicin karin Itoobiya,waxa uuna ugu baaqay in meesha u banneeyaan kooxda Al-Shabaab si ay Itoobiya isaga dhiciyaan.
Ugudambeyn, Siyaasiyiin iyo dad badan oo Soomaaliyeed ayaana hadalka kasoo yeeray lataliyihii Madaxweyne hore Farmaajo ku tilmaamay nasiibdarro, waxa ayna xuseen in uu dowladda hada jirta ka jeclaaday kooxda Al Shabaab ee diidan jiritaanka dowladda Soomaaliya.

