Wasiir Fiqi oo sheegay in uu isbedel uu kusameyn doono qaab dhismeedka Wasaaradda arrimaha dibadda

|

Muqdisho (KAAB TV) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa sheegay in isbeddel uu ku samayn doono qaab-dhismeedka maamul iyo hannaanka shaqo ee Wasaaradda arrimaha dibadda.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa  faray dhammaan diblomaasiyiinta muddo howleedkooda shaqo ka idlaaday ee dib xarunta Wasaaradda loogu soo celiyay lagu kala meeleeyo waaxyaha, machadka iyo xafiisyada maamul ee Wasaaradda.

Wasiirka ayaa hadalkani ka sheegay madal lagu kulmiyay diblomaasiyiinta muddo howleedkooda shaqo ee loo igmaday uu ka idlaaday oo dib Wasaaradda loogu soo celiyay markii ay muddo sideed sano ka soo shaqeeyeen Safaaradaha, Ergooyinka Joogtada iyo Qunsuliyadaha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasiir Axmed Fiqi ayaa tilmaamay in la dardargelin doono shaqada safaaradahana looga baahanyahay inay hore-u-socod sameeyaan, isagoo cadeeyay in safaaradaha iyo qunsuliyadaha guud ay yihiin xarumo dowladeed oo u adeega muwaadiniinta Soomaaliyeed, lagana dhowrayo sare u qaadidda howl-gudashada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News