Weerarada Muqdisho oo soo noqday: Maxaa ka jira xil-ka-qaadista Mahad Salaad?

|

Magaalada Muqdisho ayaa mar kale wajahaysa walaac amni kadib qaraxyo iyo weerarro cusub oo dhacay, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in khilaaf siyaasadeed uu ka dhex aloosan yahay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad.

Wararka qaar ayaa sheega in uu socdo qorshe ah xil-ka-qaadista Mahad Salaad inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin xilka qaadistaas, ilo xog-ogaal ah ayaa muddooyinkii dambe sheegayay in labada dhinac ay isku fahmi waayeen arrimo la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee Galmudug, gaar ahaan cidda hoggaaminaysa maamulkaas.

Arrintan ayaa hadda si gaar ah loo hadal hayaa, maadaama magaca Mahad Salaad uu mar kale ku dhex jiro doodda ku saabsan hoggaanka Galmudug, NISA iyo amniga Muqdisho.

Warar soo baxay bishii May 2026 ayaa sheegay in Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad ay ku kala aragti duwanaadeen arrimaha siyaasadda Galmudug.

Sida ay sheegeen ilo kala duwan, Villa Soomaaliya waxay taageeraysay Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) inuu noqdo hoggaanka Galmudug, halka Mahad Salaad uu mowqif ka duwan ka qaatay qorshahaas.

Warar kale ayaa sheegay in Mahad Salaad uu doonayay in arrinta Galmudug lagu xalliyo wada-hadal siyaasadeed, isla markaana aanu taageersanayn in cadaadis ciidan ama awood dowladeed loo adeegsado hoggaanka Galmudug.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Mahad Salaad uu lahaa dano siyaasadeed oo isaga u gaar ah oo la xiriira hoggaanka Galmudug, taasoo sii adkaysay khilaafka.

Wararka la helayo waxay tilmaamayaan in Mahad Salaad uu doonayay in Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo dhinacyada kale ee siyaasadda Galmudug loo sameeyo waddo wada-hadal ah

DHEERAAD:  Soomaaliya oo gaartay guul weyn oo dhanka dhaqaalaha ah iyadoo Mareykanka uu ogolaaday in $1.14 bilyan laga cafiyo deynta.

Dib-u-soo-noqoshada weerarrada iyo qaraxyada ka dhaca Muqdisho ayaa mar kale dhalisay su’aalo ku saabsan xaaladda amniga caasimadda, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in isbeddello lagu sameynayo qaar ka mid ah madaxda hay’adaha amniga dowladda Federaalka.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in Xasan Sheekh Maxamuud, kadib safarkiisii Gaalkacyo, uu wajahayo go’aanno la xiriira qaab-dhismeedka hay’adaha amniga, iyadoo si gaar ah loo hadal hayo Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad.

Magaca ugu badan ee lala xiriirinayo xilka ayaa ah Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, oo horey u soo noqday agaasimaha NISA.

Waxaa sidoo kale socda wada-hadallo siyaasadeed , taas oo ka dhigan in isbeddelka hay’adaha amniga uu qayb ka yahay qorshe siyaasadeed oo ka ballaaran xil-ka-qaadis keliya.

Mahad Salaad waxaa Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Agaasimaha NISA kadib markii uu Xasan Sheekh ku soo laabtay madaxtinimada Soomaaliya 2022.

Intii uu xilka hayay, NISA waxay xoogga saartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan sirdoonka iyo la socodka shabakadaha kooxda.

Waxaa hoara u jiray kulamo Mahad Salaad iyo Xasan Sheekh ay yeesheen kulamo xasaasi ah oo looga hadlay arrimaha siyaasadda iyo amniga. Warbixin May 2026 soo baxday ayaa sheegtay in labada mas’uul ay kulan albaabadu u xiran yihiin ku yeesheen Villa Soomaaliya, iyadoo arrimaha Galmudug ay kamid ahaayeen qodobadii laga hadlayay.
Wararka la helayo waxay sidoo kale tilmaamayaan in xilal muhiim ah oo ka tirsan amniga Muqdisho iyo laanta socdaalka loo magacaabi karo shaqsiyaad siyaasadda mucaaradka laga soo wareejiyo.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay weli si rasmi ah u waddaa hawlo la xiriira dib-u-eegista waxqabadka iyo xoojinta amniga, sida ku cad wararkii Wasaaradda ee Agoosto 2026..

DHEERAAD:  Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Al-Shabaab ku dagaalamay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool.

Mahad Salaad ayaa lagu soo warramayaa inuu wajihi karo xil-ka-qaadis, halka Cabdullaahi Sanbaloolshe magaciisa lala xiriirinayo inuu dib ugu soo laabto hoggaanka NISA. Sidoo kale, waxaa jira warar ku saabsan isbeddello laga sameynayo Wasaaradda Gaashaandhigga iyo xilal kale oo amni.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News