Wiil 12 sano jir ah oo xalay aano qabiil loogu dilay Goldogob

|

CAABUDWAAQ (KAAB TV) – Allah ha u naxariisto Ayaanle Cabdisalaan Jaamac 12 sano jir kasoo jeeda Goldogob oo ku noolaa deegaan ku dhow Caabudwaaq ayaa waxaa dilay dabley hubeysan oo kasoo jeeda Cadaado.

Sidoo kale, Ayaanle dilkiisa waxaa loo adeegsaday Faas, oo wey bireeyeen kadibna gacmaha ayaa laga jaray.

Arintaan ayaa daba socota dilal aano qabiil oo maalmihii u dambeeyay ka soconaya Mudug iyo Galgalgaduud.

Dhanka kale, Isla xalay wiil iyo walaashiis ayaa iyana Aano qabiil loo dilay isla Galguduud sida ay wararku nagu soo gaarayaan

Ugudam, Maalmo ka hor ayey aheyd markii nin birimagaydo ah oo jihadu ka qaldantay lagu dilay agagaarka degmada Galdogob, iyadoo dilkiisa ka hor muuqaal laga duubay lagu baahiyey baraha bulshada kaasoo dhalliyey caro iyo fal celin xooggan.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News