MUQDISHO (Kaab TV) – Xaalad walaac leh ayaa kasoo korortay xarigga sharci darrada ee Sacdiyo Macalin Cali oo loo yaqaano Sacdiyo Bajaaj oo muddo ka badan toddobaad ku xiran Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho iyada oo loo haysto inay aragtideeda ku muujisay warbaahinta bulshada.
Sacdiya ayaa cod ay soo duubtay oo warbaahinta gudaha laga baahiyay waxay ku sheegtay in toddobo maalin ay ku jirto Xabsiga Dhexe aysan waxba cunin afar maalin ka mid ah.
“Waxaan kaala hadlaaya musqusha. Toddobo maalin ayaan xiranahay, afar maalin waxba ma cunin,” ayey tiri Sacdiya.
Sacdiya Bajaaj oo ka mid ah dhallinyarada firfircoon ee Muqdisho, kuna xamaalan jirtay bajaajta, ayaa si afduub ah looga kaxaystay xaafadda Taleex ee magaalada Muqdisho, iyada oo afduubeen ciidan hubeysan oo ka tirsan kuwa NISA ee sirdoonka Axaddii 12ka Abril.
Maalmo ayaana loo wareejiyay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho iyadoo aan eedeyn rasmi ah loo jeedin, hase yeeshee maxkamadda looga sameeyay xabsi ku heyn muddo 90 maalmood ah, sida uu ogaaday Kaab TV.
Ka hor qabashadaas waxay Sacdiya warbaahinta bulshada ku faafisay muuqaal ay ku sheegeyso in “ciidan booliska ka tirsan ay raadinayaan”.
Waxay kaloo sheegtay in ay ka welwelsan tahay in “kufsi lagula kaco” sida ay sheegtay iyada oo sheegtay in lala damacsan yahay falka weerar galmo si loogu ciqaabo.
Hayadaha amaanka ee Dowladda Federaalka way ka gaabsadeen inay ka hadlaan sababta loo xiray Sacdiya oo si weyn u dhaliisha siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo qoyskiisa.
Muuqaalo dhowr ah oo ku faafisay baraheeda Facebook iyo Tiktok waxay Sacdiya kaga hadli jirtay musuqmaasuqa, eexda iyo ku takrifalka xukunka iyada oo ku eedeysay Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir inay xubnaha qoysaskooda shqaaleysiiyeen, isla markaana dhallinyarada Soomaaliyeed ay shaqo la’aan yihiin.
Sacdiya ayaa bil ka hor lagu xiray Muqdisho ka dib markii iyada iyo dhallinyarada bajaajleyda ee Muqdisho ay dhigeen mudaaharaad cabasho ah oo ay kaga horjeedeen qiimaha shidaalka ee sare u kacay iyo sicirka cuntada, waxayna dalbanayeen in maamulka Gobolka Banaadir uu wax ka qabto.
Xabsiga Muqdisho ma leh cunto dadka xiran la siiyo, waxaana maxaabiista lagu qasbaa inay lacag weydiistaan qoysaskooda si ay cunto ugu iibsadaan, taasoo dadka xiran aysan awoodin.
Haweenka ayaa wajahaya xaalado gaar ah, waxaana jira dhacdooyin kufsi iyo tacaddiyo galmo oo ka dhex dhaca xabsiga kuwaas oo ay adag tahay in haweenku ku dhiiradaan.
Soomaaliya ayaa ah meel dadka loo beegsado muujinta codkooda, waxaana si gaar ah loo beegsadaa dadka kasoo jeeda qabaa’ilka aan hubka heysan.

