MUQDISHO (Kaab TV) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa galabnimadii Jimcaha ee maanta ka badbaaday weerar hoobiyaal ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo.
Xasan Sheekh oo kasoo safray Muqdisho ayaa galabta ka degey Baydhabo, halkaas oo lagu wado inuu ka bilaabo shirar ku saabsan maamul u sameynta Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dib markii maamulkii Cabdicasiis Laftagareen uu meesha ka baxay ka dib dagaal ay Dowladda Federaalka iyo Maleeshiyaad beeleed isla socda ku qabsadeen Baydhabo.
Sida ay soo sheegeen suxufiyiinta ku sugeyd Garoonka Shaati Gaduud, markii ay soo caga dhigatay diyaaradda Xasan ayaa illaa saddex hoobiye oo iskuxigay lala beegsaday garoonka kuwaas oo halis galioyay dadkii ku sugnaa garoonka.
Mid ka mid ah hoobiyaasha ayaa ku dhacay xagga dambe ee diyaaradda madaxweyne Xasan Sheekh keentay, waxayna ay sababtay in labada duuliye ee saarnaa diyaaradda loola cararo dhanka towerka laga hago diyaaradaha oo dhagax shub ah ka sameysan, sida uu sheegay mid ka mid ah hawl wadeennada garoonka oo la hadlay Kaab TV.
Illaa labo hoobiye kale ayaa ku kala dhacay qeybta sugitaanka garoonka ee dadweynaha iyo waddada diyaaradaha ku ordaan ee runway-ga.
Ma jirto cid wax ku noqotay weerarkan.
Video shows black smoke as mortars fired by Al-Shabaab landed close to the runway at the Baidoa Shaati Gaduud Airport moments ago.
President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Baidoa on Friday after his forces took control of the city on Monday, expelling regional leader Abdiaziz… https://t.co/Kk5wazj34a pic.twitter.com/Wc3cwKiAOd
— Kaab TV (@KaabTV) April 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilligaas lagu soo dhoweynaayay garoonka ayaa deg deg loogala cararay garoonka, isagoo lagu qaaday baabuurta xabaduhu karin oo toos u geysay aqalka Madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Muuqaallo laga duubay garoonka ayaa muujinaya khalkhal iyo isku dhex yaac garoonka gudihiisa iyadoo la arki karo dad sii cararaya iyo gawaari si orod ah uga bexeysa garoonka kuwaas oo qeyb ka ahaa wafdiga Xasan Sheekh la socday.
Mas’uuliyiinta garoonka Baydhabo iyo xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaan ka hadlin weerarka maanta kooxda Al-Shabaab ku qaadeen garoonka diyaaradaha Baydhabo kaas oo muddo siddeed sano ahaa mid amaan ah oo ay hay’adaha caalamiga, safiiro iyo mas’uuliyiin dowladeed ay ka degi jireen.

Toddobaadkan magaalada Baydhabo waxay gashay xaalad isbeddel ah ka dib markii uu meesha ka baxay maamulkii Madaxweyne Laftagareen oo toddobo sano kasoo talinaayay Baydhabo.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleed la socda oo ka soo duulay dhanka Muqdisho ayaa qabsaday magaalada Baydhabo Isniintii 30ka Maarso, tan iyo markaas wixii ka dambeeyayna waxay magaaladu gashay xaalad degganaansho la’aan ah.
Dad ku sugan nagaalada ayaa Kaab TV u sheegay in shalay Khamiistii uu dagaal dhex maray labo maleeshiyo oo isku qabsaday maamulka xarunta dowladda hoose ee Baydhabo kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Waxaa sidoo kale dhacay dilal lagu tilmaamay aanooyin qabiil oo loo geystay xubno lagu tirinaayo inay xiriir la lahaayeen maamulkii Laftagareen taasoo walaac ku abuurtay bulshada ku nool Baydhabo.

