Xaaladda amni ee magaalada Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa noqotay mid xasaasi ah, kaddib markii la soo sheegay inuu iska horimaad hubeysan ka dhacay deegaan hoostaga magaalada.
Dagaalka la sheegay ayaa la sheegay inuu dhex maray ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor iyo ciidamo deegaanka ah oo ka soo jeeda beesha Biyamaal. Faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay iska horimaadka ayaan weli si buuxda loo helin, iyadoo wararka laga helayo deegaanka ay yihiin kuwo kala duwan.
Ciidamada Gorgor oo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay lagu arkayay agagaarka magaalada Marka, iyadoo warar kala duwan ay sheegayaan inay dowladda u dirtay magaalada si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga iyo xoojinta ciidamada dowladda.
Dhanka kale, magaalada waxaa ka jira ciidamo taageersan maamulka isku magacaabay Koonfur Bari, kuwaas oo muddooyinkii dambe sheegay inay gacanta ku hayaan qaybo ka mid ah maamulka iyo xarumaha magaalada.
Xaaladda ayaa sii xasaasiyeysa iyadoo ay magaalada iyo nawaaxigeeda ku sugan yihiin ciidamo kala duwan oo leh amarro iyo dano siyaasadeed oo aan mar walba isku mid ahayn.
Sii-hayaha duqa Marka oo sheegay in xaaladdu deggan tahay,Iyadoo ay jiraan wararka ku saabsan iska horimaadyo ka dhacay deegaanka, sii-hayaha xilka duqa degmada Marka, Cabdirahmaan Cumar Cali, oo garab taagan maamulka isku magacaabay Koonfur Bari, ayaa sheegay in maamulkiisa iyo ciidamada Gorgor uu dhex maray isfaham iyo wada-shaqeyn.
Cabdirahmaan Cumar Cali ayaa sheegay in wada-shaqeynta labada dhinac ay ku saleysan tahay sidii loo ilaalin lahaa xasilloonida magaalada iyo amniga shacabka.
Wuxuu sidoo kale sheegay in xaaladda magaalada Marka ay haatan tahay mid deggan oo caadi ah, taas oo ka duwan wararka sheegaya in xiisad amni ay ka taagan tahay qaybo ka mid ah magaalada iyo deegaanada hoostaga.
Hadalkan ayaa muujinaya in maamulka magaalada uu doonayo in la dejiyo walaaca ka dhashay dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo wararka ku saabsan iska horimaadyada.
Marka ayaa muddooyinkii dambe noqotay goob ay isku hayaan dhinacyo kala duwan oo siyaasadeed iyo ciidan. Waxaa magaalada ka jira loollan la xiriira cidda maamuleysa xarumaha dowladda iyo cidda mas’uuliyadda amniga magaalada qaadaysa.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa in ciidamada dowladda ay si buuxda uga howlgalaan magaalada, halka maamulka isku magacaabay Koonfur Bari uu doonayo inuu sii haysto awoodda uu ku leeyahay Marka iyo deegaanada ku dhow.
Sidoo kale, ciidamada deegaanka iyo maleeshiyaadka beelaha ayaa door ku leh xaaladda amni ee gobolka Shabeellaha Hoose, taasoo mararka qaar keenta in khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa maamulka ay isu beddelaan iska horimaadyo hubeysan.
Dadka ku nool Marka ayaa walaac ka qaba in haddii aan si degdeg ah loo xallin khilaafaadka u dhexeeya dhinacyada kala duwan, ay xaaladdu isu beddeli karto dagaal ballaaran oo saameeya shacabka iyo ganacsiga magaalada.
Xaaladda Marka waxaa sidoo kale door weyn ka qaadan kara odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo awood u leh inay dhex-dhexaadiyaan dhinacyada isku haya magaalada.
Waxaa muhiim ah in dhinacyada hubeysan ay ka fogaadaan dagaal ka dhex dhaca magaalada ama deegaanada ku dhow, maadaama iska horimaad noocaas ah uu sababi karo dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur soo gaara shacabka.
Xaaladda hadda ka jirta Marka waxay u baahan tahay in dhinacyada dowladda, maamulka deegaanka, odayaasha dhaqanka iyo ciidamada kala duwan ay yeeshaan wada-hadal lagu raadinayo xal siyaasadeed iyo mid amni.

