Xilalka dowladda iyo amni-darrada Shabeellaha Dhexe oo dood ka dhex dhalisay Abgaal

|

Dood iyo dhaliil siyaasadeed ayaa ka dhalatay xaaladda amni ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Dowlada soomaaliya waxaa u badan oo mushuurka ka qaato waa beesha abgaal waxaana ugu horeya Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waqtigiisa dhamaday , halka Cali Guudlaawe uu hoggaamiyo maamulka Hirshabeelle. Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah meelaha muhiimka u ah qorshaha amniga dalka, iyadoo dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ka howlgala gobolka ay muddooyinkii dambe wadeen dadaallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha magangelyada ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay weli ku leedahay joogitaan iyo saameyn qaybo badan oo Soomaaliya ah, gaar ahaan gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka. Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaamaysa in kooxda ay dib u qabsatay ama saameyn ku yeelatay deegaano ay horey uga baxday, taas oo muujinaysa in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu weli yahay mid adag.

Qoraalka dhaliisha ah waxaa ku jira Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Guddoomiyaha Gobolka Banaadirmuun gaab , Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) Maareeyaha Dekadda Muqdisho, Cabdi Xakiin Ceeldheer Taliyaha Ciidanka Haramcad, Xasan Cali Nuur (Shuute) Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada iyo Maxamuud Sheekh Cali (Dable Beylood) Taliyaha Ciidanka Cirka.

Saalax Dabaan, Cali Shiine, Maslax Maxamuud Maxamed, Aadan Jeele, Maxamuud Maxamed (Masdile) iyo Cabdifitaax Xasan Sheekh, kuwaas lagu xiriiriyay xilal kala duwan oo ay ka hayaan hay’adaha dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir ama ciidamada.

waxaa sidoo kale ku jira Jihaan Xasan Sheekh, Khadiijo Cosoble, Jabriil Cabdulle iyo Maxamed Dheere, kuwaas oo haya xilal la xiriira arrimaha dibadda iyo safaaradaha Soomaaliya.

DHEERAAD:  Boorama oo laga taagay calanka Soomaaliya iyo xiisadda oo kasii dareysa

Dhinaca kale, masuuliyiin dhalinyaro iyo haween ah sida Cabdikafi Makaraan Guddoomiyaha Dhalinyarada Qaranka, Cumar Faaruuq Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka, Jawahir Barqab Guddoomiyaha Haweenka Gobolka iyo Batuulo Gabole Guddoomiyaha Haweenka Qaranka.

Waxaa intaas dheer Karoonto Aadan Agaasimaha Fanka, Xuseen Cabdulle Agaasimaha TV-ga Gobolka, Mahad Baraawe Agaasimaha Khayraadka Biyaha Gobolka Banaadir, Hinda Culusow Madaxa Protocol-ka Madaxweynaha iyo Cali Wajiis Sheekh dowladda u qaabilsan arrimaha fatwada,intaas oo isku beel ah gaar ahaan abgaal hadana weli waxaa jira deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe oo wajahaya khataro amni, iyadoo Al-Shabaab ay weli awood u leedahay inay weerarro ka fuliso qaybo ka mid ah gobolka.

Xogaha la heli karo waxay muujinayaan in dhibaatada Al-Shabaab aysan ku koobnayn Shabeellaha Dhexe oo keliya, balse ay tahay caqabad qaran oo saameyn ku leh qaybo badan oo Soomaaliya ah. Hay’adda International Crisis Group ayaa sidoo kale sheegtay in Al-Shabaab ay 2025 sameysay horumarro waaweyn, taas oo dib u riixday qaar ka mid ah guulihii ay dowladda gaartay sanadihii ka horreeyay.

Sidaas darteed, su’aasha ugu weyn ee taagan ayaa ah sida dowladda Federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ay u xoojin karaan amniga Shabeellaha Dhexe, una ilaalin karaan shacabka iyo ciidamada ku sugan deegaanada ay khatartu ka jirto.

Bashiir Furqaan, ayaa lagu eedeeyay inuu weerarro ama falal amni-darro ka fuliyo deegaano ay degto beesha Abgaal. Hase yeeshee, eedeymahaas looma soo bandhigin caddeyn rasmi ah oo madax-bannaan oo lagu xaqiijin karo,tirada iyo saameynta dadka ka soo jeeda beesha Abgaal ee xilalka dowladda haya. Waxaa lagu sheegay in xubno badan oo ka tirsan beeshaasi ay hayaan xilal siyaasadeed, ciidan, diblomaasiyadeed iyo maamul.

DHEERAAD:  DF oo magaalada Laascaanood u dirtay diyaarado raashin iyo daawo sida

Arrintan ayaa dhalisay dood ku saabsan sida xilalka dowladda loo qaybiyo iyo in magacaabista masuuliyiinta lagu saleeyo karti, aqoon iyo waayo-aragnimo ama ay jiraan arrimo siyaasadeed iyo beeleed oo saameeya.

Si kastaba, sheegashada ah in beel dhan ay mas’uul ka tahay fashilka amniga ama burburka dowladnimada Soomaaliya ma ahan wax lagu xaqiijin karo magacaabista shaqsiyaad keliya. Mas’uuliyadda shaqo waxaa leh qofka xilka haya iyo hay’adda uu madaxda ka yahay.

waxaa jira askar dowladda ka tirsan oo lagu dilay arrimo la xiriira qabiil iyo deegaan. Eedeymaha noocaas ah waa kuwo culus, waxaana loo baahan yahay baaritaan rasmi ah si loo ogaado cidda ka dambeysa dhacdo kasta iyo sababta keentay.

Xaaladda Shabeellaha Dhexe ayaa muhiimad gaar ah u leh amniga Soomaaliya. Gobolka wuxuu ku dhow yahay Muqdisho, waxaana ku yaalla deegaano muhiim ah oo dhinaca istiraatiijiyadda, dhaqaalaha iyo isku socodka dalka ah. Sidaas darteed, amni-darrada ka dhacda gobolka waxay saameyn ku yeelan kartaa Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaysa cadaadis ah inay muujiso natiijooyin muuqda oo ka dhasha howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, halka maamulka Hirshabeelle laga doonayo inuu si dhow ula shaqeeyo dowladda dhexe iyo shacabka deegaanka.

Dhanka kale, khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa beeleed ee ka dhex jira bulshada ayaa loo arkaa caqabad kale oo saameyn karta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Machadka Studies Security Institute ayaa horey u sheegay in kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo bulsheed ay ka mid tahay waxyaabaha Al-Shabaab uga faa’iideysan karto xaaladda Soomaaliya.

Sidaas awgeed, xalinta dhibaatada amni ee Shabeellaha Dhexe waxay u baahan tahay in dowladda Federaalka, maamulka Hirshabeelle, ciidamada, odayaasha dhaqanka iyo shacabka ay yeeshaan wada-shaqeyn joogto ah.

DHEERAAD:  Somali Media fraternity slam misleading statement from the office of Somalia’s Attorney General

Waxaa sidoo kale muhiim ah in masuuliyiinta dowladda ay si cad shacabka ugu sheegaan xaaladda dhabta ah ee amniga, deegaanada ay ciidamada gacanta ku hayaan, meelaha ay Al-Shabaab ka howlgasho iyo qorshaha lagu xoojinayo amniga.

Xaqiiqada la hubo ayaa ah in dagaalka Al-Shabaab iyo xaaladda amni ee Shabeellaha Dhexe ay weli yihiin arrimo u baahan dadaal siyaasadeed, ciidan iyo bulsho. Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle ayaa wajahaya mas’uuliyadda ah inay shacabka ka ilaaliyaan khatarta amni, isla markaana ay muujiyaan natiijooyin la taaban karo oo ku saabsan sugidda amniga iyo xasilinta gobolka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News