Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo si adag u dhaliilay duqeynta lagu dhaawacay Taliye Shub

|

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag uga hadlay duqeyn xalay ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, taas oo lagu beegsaday guriga uu deganaa Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan Taliye Shub.

Duqeynta ayaa la sheegay inay dhacday xalay abaare 11:40 habeenimo, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in diyaarado aan duuliye lahayn loo adeegsaday weerarka. General Shub ayaa dhaawac ka soo gaaray weerarka, waxaana sidoo kale la soo sheegay dhaawacyo kale, inkastoo faahfaahinta khasaaraha ay warbaahintu siyaabo kala duwan u tabinayso. Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin cidda fulisay duqeynta.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo ku tilmaamay tallaabo uu sheegay inay tahay “xeer-dhaaf” isla markaana khatar ku ah dowladnimada Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale eedeyn siyaasadeed u jeediyay maamulka Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku dooday in awoodda dowladda aan loo adeegsan karin tallaabooyin sii hurin kara khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha ka jira dalka. Hadalkaas ayaa ah mowqif siyaasadeed oo uu Xildhibaanku ka qaatay dhacdada, iyadoo dowladda Federaalka ay si rasmi ah u beenisay inay ku lug lahayd duqeynta.

Odawaa wuxuu sheegay in dhacdadan ay halis ku tahay dadaallada loogu jiro dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay iyo sidii meesha looga saari lahaa kala aaminaad la’aanta bulshada dhexdeeda ka jirta.

“Waxay sidoo kale halis ku tahay hayaanka dheer oo aan ugu jirno unkidda dowlad la wada leeyahay oo meesha ka saarta firaaqa is-aaminitaanka ee bulshada dhex yaalla,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.

DHEERAAD:  Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo xilka qaadis ku sameeyay Taliyahii Kumaandooska Danab ee deegaanada Jubbaland.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka digay in duqeynta Doolow loo adeegsan karo in colaadda siyaasadeed ee dalka loo sameeyo waji cusub, isagoo ugu baaqay dhinacyada isku haya arrimaha siyaasadda iyo amniga in aan xaaladda lagu sii fogeyn tallaabooyin militari.

“Waxaan ka digayaa in waji kale loo yeelo colaadda jirta isla markaana aan la sii kala fogaynin dhinacyada ay dirirtu dhextaallo,” ayuu yiri.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay ka jirto xaalad siyaasadeed iyo amni oo cakiran, gaar ahaan khilaafaadka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dhinacyada siyaasadeed iyo maamul-goboleedyada.

General Mahad Cabdiraxmaan Aadan “Shub” ayaa horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, waxaana xilka laga qaaday xilli ay jireen khilaafaadyo siyaasadeed iyo amni oo sii xoogeysanayay. Warbaahinta ayaa sidoo kale sheegtay in magaca General Shub uu dhawaan ku dhex jiray doodaha ku saabsan dagaallada iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka jira Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Odawaa ayaa ugu dambeyn ku celiyay baaqiisa ah in aan khilaafaadka siyaasadeed loo adeegsan awood militari, isagoo ka digay in tallaabooyin noocan ah ay sii dhaawici karaan kalsoonida bulshada iyo dadaallada lagu doonayo in lagu dhiso dowlad loo dhan yahay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News