Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow “Dooli iyo bisad hal jeeb laguma wada hayn karo”

|

Daahir Amiin Jeesow ayaa tusaale u soo qaatay siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, isagoo sheegay in aysan suuragal ahayn in dal uu isku mar yeesho siyaasado iska soo horjeeda oo uu dhammaan dhinacyada ku qanacsanaado.

Wuxuu tusaale ahaan sheegay in qof uusan isku mar jeebkiisa ku wada hayn karin waxyaabo iska soo horjeeda, sida dooli iyo bisad ama mas iyo abeeso.

Tusaalahan ayuu xildhibaanku uga jeeday xiriirrada iyo siyaasadaha kala duwan ee Soomaaliya ay la leedahay dalalka gobolka iyo kuwa caalamka, isagoo sheegay in loo baahan yahay siyaasad cad oo ku dhisan danaha qaranka.

“Waxaan rabnaa in dalkaan uu helo siyaasad deggan oo mustaqbal leh,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale tusaale u soo qaatay khilaafaadka ka jira Geeska Afrika iyo Waqooyiga Afrika, isagoo sheegay in dalal badan ay leeyihiin arrimo siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah oo ay si toos ah isaga hor yimaadaan.

Wuxuu soo hadal qaaday xiriirka Itoobiya iyo dalalka deriska la ah, gaar ahaan Eritrea, Sudan iyo Masar, isagoo tilmaamay in dalalkaasi ay leeyihiin khilaafaadyo la xiriira arrimo amni, xuduud, siyaasadeed iyo biyaha webiga Nile.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in Soomaaliya aysan faa’iido badan ka helayn in ay si aan caddeyn lahayn ugu dhex milanto khilaafaadka u dhexeeya dalalkaasi.

Wuxuu sidoo kale su’aal ka keenay waxa shacabka Soomaaliyeed uga faa’iidayaan siyaasadaha dibadda ee aan lahayn jihayn cad, isagoo ku baaqay in marka hore la eego danaha shacabka iyo xasilloonida dalka.

DHEERAAD:  Maxkamadda Sare ee CQS oo amartay in Caafimaad Dibadda ah loo raadiyo Sarkaal naafo ku noqday qarax loo dhigay

“Mucaarad iyo muxaafad waad yeelan kartaa”Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in xiriirka caalamiga ah uu yahay mid ku dhisan dano iyo siyaasad cad, isla markaana Soomaaliya ay yeelan karto dalal ay si dhow u wada shaqeeyaan iyo dalal ay ku kala aragti duwan yihiin.

Wuxuu sheegay in waddamada caalamka qaarkood ay Soomaaliya ku yaqaanaan siyaasad gaar ah, balse ay muhiim tahay in dowladda Soomaaliyeed ay yeelato siyaasad qaran oo cad oo aan ku xirnayn isbeddellada siyaasadeed ee dalalka kale.

Sida uu sheegay, Soomaaliya waxay yeelan kartaa dalal ay isku aragti yihiin iyo kuwo ay ku kala aragti duwan yihiin, balse waxa muhiimka ah ay tahay in xiriirradaas lagu saleeyo danta Soomaaliya.

Itoobiya iyo Soomaaliya,Jeesow ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan kadib dhaleeceyn ay dowladda Itoobiya u jeedisay Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib booqashadii uu ku tegay Masar.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay muhiim u tahay inay si wanaagsan ula macaamisho dhammaan dalalka deriska la ah, gaar ahaan Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya oo Soomaaliya ay xuduud la wadaagto.

“Dowladaha deriska nala ah Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya, inta xadka aan wadaagno, in xiriirkooda la wanaajiyo ayaa xaq ah; in xiriirkooda la xumeeyo oo laga tallaabsado anigu xal uma arko,” ayuu yiri Jeesow.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah, iyadoo aan loo eegin khilaafaadka siyaasadeed ee mararka qaar soo kala dhex gala dowladaha.

Xildhibaanka ayaa ugu ku baaqay in Soomaaliya yeelato siyaasad dibadeed oo cad, deggan oo ku dhisan danta qaranka.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan awoodin inay mar kasta raacdo siyaasadda dal kale ama ay si aan qorsheysnayn uga dhex muuqato khilaafaadka dalalka gobolka.

DHEERAAD:  Waa kuwee dalalka muwaaddiniintooda lacagta ku siiya si ay carruur badan dhalaan?

Sida uu sheegay, dowladda Federaalka Soomaaliya waa inay mudnaanta koowaad siisaa shacabka, amniga dalka, xasilloonida siyaasadeed iyo xiriir wanaagsan oo ay la yeelato waddamada deriska ah iyo beesha caalamka.

Hadallada Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay ka jiraan doodo siyaasadeed oo xooggan oo ku saabsan jihada siyaasadda dalka, xiriirka dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada, iyo sidoo kale siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo xiriirka ay la leedahay dalalka gobolka.

Xildhibaanka ayaa ku celceliyay in xal waara lagu gaari karo oo keliya siyaasad deggan, wada-hadal iyo in la hormariyo danta shacabka Soomaaliyeed iyo midnimada dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News