Xildhibaan Olivier Cadic oo sheegay in dagaalka Laascaanood kujirto Al-Shabaab

|

HARGEYSA (KAAB TV) – Xildhibaan  ka tirsan Baarlamaanka Faransiiska oo lagu magacaabo Olivier Cadic  oo Magaalada Hargeysa booqasho ku jooga, ayaa sheegay in ay hayaan caddaymo ku filan oo sheegaya in Al-Shabaab ay joogto Laascaanood.

Xildhibaan Olivier Cadic oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargaysa ayaa sheegay in uu helay xog caddayn u ah in Al-Shabaab ay  Laascaanood joogaan.

“Waxan helay xog ku saabsan xaalada Laascaanood, waxa jira caddaymo ku filan oo muujinaya in ay ku jirto Al-Shabaab, Al Shabaab kali ah khatar kuma aha Somaaliland, waxay sidookale khatar ku tahay dunida dimuquraadiga ah oo dhan” ayuu yiri ‘Oliver  Cadic oo ka tirsan Baarlamaanka Faransiiska.

Cadic ayaa hadalkiisa Waxa uu intaa ku daray in loo baahanyahay in Somaliland laga taageero in sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab, si aanay Somaaliland Awoodeeda u wiiqmin,.

“Waa in aynu Somaaliland ka taageernaa sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab, waana in aynu garab istaagnaa Somaaliland si aan loogu samayn faro galin ” ayuu yir’i  Xildhibaan Cadic.

Hadalkan ka soo yeeray Xildhibaanka ka Tirsan Baarlamaanka Faransiiska ayaa ku soo aadaya Xilli Soomaaliland ay Taageero uga raadsaneyso Dawladaha Caalamka dagaalka ciidankeeda ay kula jiraan Ciidamada SSC khaatumo oo ku sugan Magaalada Laascaanood islamarkaana Ciidanka Soomaliland ka Difaacaya in ay la wareegaan Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News