Xisbiga Himilo Qaran oo digniin kasoo saaray dhammaadka muddo xileedka Baarlamaanka

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Xisbiga Himilo Qaran ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu si adag ugu muujinayo walaac ka taagan xaaladda siyaasadeed iyo tan dastuuriga ah ee dalka, gaar ahaan marka laga hadlayo dhammaadka muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee Federaalka Soomaaliya.

Xisbiga ayaa sheegay in ilaalinta muddo xileedka hay’adaha dowliga ah ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee ku saleysan sarreynta sharciga iyo socodsiinta hawlaha dowladnimo, isagoo nasiib darro ku tilmaamay in muddo xileedka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu si rasmi ah u dhammaaday maanta oo taariikhdu tahay 14-ka Abriil 2026.

Sida lagu xusay war-saxaafadeedka oo uu xisbiga ku tixraacay qodobka 60-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu leeyahay muddo xileed afar sano ah oo ka bilaabanaysa maalinta la dhaariyo.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa sidoo kale ka digay in ay ka dhalan karto khatar weyn haddii la galo xaalad khatar badan oo dhinaca dastuuriga ah ama muddo dhaaf sharci darro ah, taas oo sida ay sheegeen dhaawici karta dhismaha iyo hannaanka dowladnimada dalka.

Waxay si gaar ah uga digeen tallaabooyin ay ku tilmaameen kuwo hal dhinac ah oo uu qaadayo Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo sheegay in ay halis ku yihiin hannaanka siyaasadeed ee dalka.

Xisbiga ayaa carrabka ku adkeeyay in Madaxweynaha laga rabo ilaalinta dastuurka iyo heshiiska siyaasadeed ee ku saleysan doorasho la isla oggol yahay iyo ixtiraamka muddo xileedka hay’adaha la doorto, isagoo ugu baaqay in laga fogaado muddo kordhin ama doorasho aan loo dhammayn.

Ugu dambayn, Xisbiga Himilo Qaran ayaa ku baaqay in dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay si wadajir ah ugu istaagaan badbaadinta nidaamka dowladnimada, isla markaana la gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay si looga hortago khilaaf iyo xasilooni darro siyaasadeed.

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin kasoo saaray dhammaadka muddo xileedka Baarlamaanka

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News