Xujayda Soomaaliya oo mar kale la dayacay (Sawirro)

|

MAKKA (KAAB TV) – Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa ka cabanaya adeeg xumo ay mas’uul ka tahay dowladda Soomaaliya, sida ay u sheegeen  warbaahinta xubno ka mid ah xujeyda oo nala hadlay.

Xaajigan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa ka sheekeeyey dhibaatooyin ku heysta goobihii ay dejisay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda Soomaaliya oo mas’uuliyadooda qaaday, inta ay joogaan Xajka.

Xujeyda nala hadashay waxay sheegeen in hoteelo fiican aan la dejin, isla markaana kuleyl daran ay ku wajahayaan magaalada Maka oo cimiladeeda ay aad u kulushahay.

Adeega aan ka helnay dowladda iyo lacagta ay naga qaaday wax isku dhow maaha, sanadkaan waxaa Soomaalida la dejiyey goobo aan lagu noolaa karin, markii hore waxaa la ii sheegay in markii aan tago magaalada Mako Hoteel la i deji doono, laakiin taas ma dhicin, magaalada oo aad u kulul ayaa nala dejiyey qolal aan wax qaboojiye ah laheyn,” ayuu yiri mid ka mid ah Xujeyda sanadkaan oo la hadlay Caasimada Online.

Rajo weyn ayaa laga qabay in dowladda Soomaaliya ay wax badan ka bedesho dhibaatooyinkii haystay xujeyda Soomaaliyeed, balse taasi ma dhicin oo cabashada ayaa cirka isku sii shareertay, waxayna xujeydu sheegeen in balan-qaadkii loo sameeyey iyo adeegyada ay heleen aysan ay aheyn wax isku dhow.

“Is bedel weyn ayaa nool balan qaaday sanadkaan, lacag 50 dollar ah oo kaliya ayaa u dhaxeysa qiimaha sanadkaan iyo sanadkii hore xajka lagu tegayo, sanadkii hore waxaa dadka laga qaaday (afar kun, afar boqol, sideetan iyo dhowr doolar), sanadkaana waxaa laga qaaday $4,434 iyo sintiyaal, duulimaadyadana waxaa loo xiray hal shirkad oo adeegyo gaar ah aan soo kordhin,” ayuu yiri mid kale .

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News