Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Hagar Dabageed, ayaa sheegay in gobolka Hiiraan aan laga qaban karin doorasho aan heshiis siyaasadeed iyo is-afgarad laga gaarin, isagoo digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay doorasho ka qabato deegaanada gobolka.
Dabageed ayaa sheegay in hannaanka doorashada Hirshabeelle uu u baahan yahay wada-tashi ballaaran oo ay ka qaybqaataan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada, isagoo xusay in xitaa tuulo ka tirsan Hiiraan aan laga qaban karin doorasho aan heshiis lagu ahayn.
Wuxuu sheegay in doorashada ka socota Hirshabeelle aan lagu sii wadi karin sida ay hadda u socoto, isla markaana dadka isku daya inay doorasho qabtaan iyadoo aan heshiis siyaasadeed la gaarin ay qaadi doonaan masuuliyadda wixii ka dhasha.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay hannaanka doorashada Hirshabeelle, gaar ahaan cidda qabanaysa hoggaanka maamulkaas doorashada soo socota.
Dabageed ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu uga baxay ballan uu hore ula galay beesha Xawaadle, ballantaas oo ahayd in beesha loo tixgeliyo hoggaanka Hirshabeelle marka la gaaro waqtiga isbeddelka.
Dabageed ayaa ugu baaqay beesha Xawaadle inay si wadajir ah uga tashato mustaqbalkeeda siyaasadeed, isagoo sheegay in go’aanka arrintaas laga gaarayo uu u baahan yahay wada-tashi ay ka qaybqaataan dadka ku nool gudaha Soomaaliya iyo kuwa dibadda jooga.

