Imaaraadka oo madaarrada Berbera iyo Boosaaso u beddelay xarumo milatari oo waaweyn

|

Baadhitaan muuqaal ah oo uu daabacay wargeyska Mareykanka ee The New York Times ayaa shaaca ka qaaday in Imaaraadka Carabtu uu madaarrada Berbera iyo Boosaaso u beddelay xarumo waaweyn oo milatari, kuwaas oo lagu diyaariyo diyaaradaha dagaalka, lagu kaydiyo qalabka ciidamada, isla markaana leh nidaamyo difaac oo casri ah.

Warbixinta oo ku salaysan sawirro dayax-gacmeed, xogta la socodka duulimaadyada iyo xog laga helay ilo xog-ogaal ah ayaa muujinaysa in labada goobood ay yeesheen muhiimad milatari oo sii kordheysa, taas oo ka baxsan adeegyadii rayidka ahaa ee markii hore loogu talagalay madaarradaasi.

Baadhitaanka New York Times ayaa sheegay in dhismaha xarunta milatari ee Berbera uu dib u bilowday sannadkii 2018, kaddib markii Baarlamaanka Somaliland uu sannadkii 2017 ansixiyay qorshaha saldhigga Imaaraadka.

Shaqooyinka laga fuliyay goobta ayaa waxaa ka mid ahaa ballaarinta iyo dib-u-habaynta dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, samaynta goobo loogu talagalay diyaaradaha milatariga iyo dhismayaal loogu talagalay hawlgallada ciidamada.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in sannadkii 2024 lagu kordhiyay dhisme amni oo si gaar ah loo adkeeyay, kaas oo loo adeegsan karo kaydinta qalabka milatariga. Sawirrada dayax-gacmeedka ee ugu dambeeyay ayaa sidoo kale muujiyay goobo difaac iyo meelo loogu talagalay diyaaradaha qumaatiga u kaca.

IISS: Η αναγνώριση της Σομαλιλάνδης ανοίγει τον δρόμο για στρατιωτική παρουσία του Ισραήλ στην Ανατολική Αφρική - Geopolitico

AVSEC Pro (@avsec_pro) on X

Rich Tedd 🛰 ✈️ (@AfriMEOSINT) on X

AVSEC Pro (@avsec_pro) on X

Boosaaso: Hawlgalka Qarsoon ee Imaaraadku ku Leeyahay Dagaalka Suudaan | Geeska

OSINT analysts spot suspected UAE radar installation at Bosaso base in Puntland - Hiiraan Online

Rich Tedd 🛰 ✈️ (@AfriMEOSINT) on X

Israel Recognizing Somaliland Could Lead to IDF Base There

UAE expands military and intelligence bases in Somalia - Caasimada Online

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News