Kismaayo (KAAB TV) – Wareegto kasoo baxday xalay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu magacaabay wakiil la sheegay in maamulka Jubbaland u joogayo dalka Kenya.
Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaana u magacaabay Sadik Abdullahi Bogale in uu noqdo wakiilka rasmiga ah ee dowladd goboleedka Jubbaland u jooga dalka Kenya, waxa uuna ninkan u shaqeyn doonaa sida safiir.
Dhanka kale, Magacaabista wakiilka Jubbaland ee dalka Kenya ayaana hadal heyn badan ka dhalisay baraha bulshada, waxa ayna dad badan layaab ku tilmaameen in Jubbaland oo katirsan dowladda federaalka ay wakiil gaar ah u magacawdo dalka Kenya.
Tix-raac:XM/DGJS/045/2023
UJEEDDO: MAGACAABIS WAKIILKA DOWLADDA JUBALAND U JOOGA DALKA KENYA.
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Jubbaland,Cutubkiisa 4aad,Qodobka 72aad , Farqada(3aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubbaland.
Markuu Latashaday:- Madaxweyne ku-xigeenada Dowladda Jubbaland.
Wuxuu Madaxweynaha Dowladda Jubbaland u magacaabay Sadik Abdullahi Bogale
Wakiilka Dowladda Jubbaland u Jooga Dalka Kenya.
Magacaabistan waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay.