Muqdisho (KAAB TV) – Dagaal la isku adeegsaday baangado iyo midiyo oo xalay ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale,Waxaa xalay dagaal la isku adeegsaday mindiyo iyo baangado uu ka dhacay xaafada Siisii ,gaar ahaan afaafka hore ee Masjidka Muumino Ceelbuur.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka bilowday muran ka dhashay maqaayad shaaha laga cabo, gaar ahaan kursi la isku qabsaday , waxaana dhinacyada isku dhacay u kala yimid gurmadyo.
Dhanka kale, Inta la xaqiijiyay hal qof oo kamid ahaa dadkii dagaalamay ayaa dhintay, halka mid kalana dhaawac soo gaaray, waxaana la xiray qaar kamid ah dadkii dagaalka ku lugta lahaa.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan kadhaca gacan kahadal sababa dhimasho iyo dhaawac iyadoo dhibaatadaas ey kadhalato wax aan sidaas macno uleheen oo laga baaqsan karo hadii leysku dayo.