SO | EN

SO | EN

Ciidanka ATMIS iyo kuwa Soomaalida oo la wareegay tuulada Cali Fooldheere

|

Mahadaay (KAAB TV) – Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo garab kahelaya ciidanka ATMIS ayaa waqti dheer kadib kuguuleystay in keymaha deegaanka Cali Fooldheere ey kasaaraan Al-Shabaab.

Sidoo kale, xubno katirsan Al-Shabaab ayaa deegaanka Cali Fooldheere ka sameystay fariisno iyadoo halkaas maalmihii lasoo dhaafay uu dagaal iyo duqeymo ey kusocdeen.

Dhanka kale, kasaaritaanka Al-Shabaab ee deegaanka Cali Fooldheere ayaa waxaa gacan weyn kageystay ciidanka Midowga Yurub ee howlglka ATMIS iyagoona ugu dambeyn kala warageegay gacan kuheynta deegaanka Cali Fooldheere ee degmada Mahadaaay.

Warkasoo baxay taliska ciidanka ATMIS ayaa lagu sheegay in dagaalka jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab sidoo kale warka kasoo baxay taliska ATMIS ayaa lagu shaaciyay in dagaalyahano badan looga dilay Al-Shabaab.

Danjire Mohamed Al-emine ayaa hambalyo udiray ciidanka ATMIS guusha weyn ey kagaareen dagaalkii kadhacay deegaanka Cali Fooldheere ee degmada Mahadaay.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News