SO | EN

SO | EN

Lacagta laga jartay shaqaalaha G/Banaadir yaa lagu taageerayaa?

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir oo mudooyinka dambe wajahaayay cabsi iyo walaac xooggan oo ay kaqabaan in gabi ahaanba bishii dhamaatay ee September ey waayan mushaarkooda, kadib markii uu goddoomiyaha gobolka Banaadir uu goob fagaare ah uu ka sheegay in bishaas lacagtooda qeyb kamid ah lasiin doono ciidanka dib uxoreyn dalka.

Sidoo kale, shaqaalahan ayaa mushaarkooda qaadan jiray in udhexeyso 28-ilaa 30 balse bishaan mushaarkooda ey inta badan usoo dhacday shalay oo Talaado aheyd iyadoo taasi ay kusii abuurtay walwal iyo cabsi xooggan.

Dhanka kale, wararka qaar ayaa sheegaya in dhamaan shaqaalaha gobolka kashaqeeyo bishaan laga jartay lacago kala duwan oo ay ugu badantahay calaa qof $100 ilaa $150 sida ey inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah shaqaalaha gobolka Banaadir iyagoo inaga codsaday in aanan carbaabin magacyooda.

Lacagan laga jartay shaqaalaha gobolka Banaadir oo udhexeyso $100 ilaa $150 ayaan loosheegin in laga jaray lacag maadaama ay aheyd lacago ay xaq uleeyihiin.

Dadka qaar ayaa aaminsan in lacagaha laga jaray shaqaalaha gobolka Banaadir kaliya lagu taageeray laguna garab istaagayo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee ka howlagalaya deegaannada uu kasoo jeedo Yuusuf Madaale.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News